Saturday, October 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka oo dar daaran u jeediyay shacabka Jannaale ku nool

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka oo dar daaran u jeediyay shacabka Jannaale ku nool
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa u sheegay shacabka reer Jannaale inay gacan ka geystaan sidii cadawga looga xoreyn lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabellada Hoose.

Taliyaha oo meel fagaaro ah kula hadlayay shacabka ku nool Jannaale ayaa ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidanka oo ay farta ku fiiqaan haraadiga dhagar qabayaasha Al-Shabaab haddi ay magaaladu ku arkeen si loo xoojiyo nabadgelyada magaalada iyo deegaannada ku xeeraan.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa xusay in dib loo soo celin doono adeegyada aas aasiga u ah nolosha beni’aadamka sida hirgelinta goobaha waxbarashada, caafimaadka iyo goobo kale, waxaana uu taliyaha tilmaamay inay joogteyn doonaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa ugu dambeyn u sheegay shacabka ku nool Jannaale inay u hayaan deeq raashin ah, isla markaana maalmaha soo socdana ay soo gaarsiin doonaan daawooyin loogu talagalay shacabka.

 

Previous Post

Guddiga doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo la magacaabay

Next Post

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Diinta oo ka qeyb galay kulan duco iyo Qur’aan akhris ah

Next Post
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Diinta oo ka qeyb galay kulan duco iyo Qur’aan akhris ah

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Diinta oo ka qeyb galay kulan duco iyo Qur’aan akhris ah

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In