Thursday, November 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Sabriye oo Villa Hargeysa kula kulmay guddiga KMG ee doorashooyinka dalka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Wasiir Sabriye oo Villa Hargeysa kula kulmay guddiga KMG ee doorashooyinka dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga-wadajirka ku meel-gaarka ah ee soo diyaarinta Xeerarka dhamaystirka sharciga Doorashooyinka qaranka ayaa maanta kulan kula yeeshay xarrunta guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha guddi-wadajirka ku meel-gaarka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka Madane Ibraahim Isaaq Yarroow.

Related posts

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

November 27, 2025

Guddiga iyo Wasaaradda ayaa ka wada hadlay arrimaha Muhiimka u ah dhameystirka Xeerka Doorashooyinka Qaranka oo ay kamid yihiin afarta Xeer ee loo xil-saaray Guddiga Wadajirka ah,kuwaas oo kala ah.

  1. Xeerka Deegaameeynta Kuraasta.
  2. Xeerka xaqiijinta Qoondada Haweenka.
  3. Xeerka Doorashada xubnaha labada Aqal ee kasoo jeeda Gobolladda Waqooyi(Soomaaliland).
  4. Xeerka xaquuqda metelaada gobolka Banaadir.

Xubnaha guddigaan ayaa horey waxaa ay ula kumeen Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo xubno kale,iyada oo ay si caadi ah u wataan howshooda.

Tags: Wasiir Sabriye oo Villa Hargeysa kula kulmay guddiga KMG ee doorashooyinka dalka
Previous Post

Daawo Sawirrada: xarunta degmada shibis oo dib-udhis lagu sameeyay

Next Post

Dhageyso warka duhur ee Radio muqdisho 29.03.2020

Next Post
Dhegeyso: Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Dhageyso warka duhur ee Radio muqdisho 29.03.2020

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025
0

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisa afaraad, iyadoo maanta lagu soo bandhigay dood...

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

November 27, 2025
0

War-saxaafadeedka.   Muqdisho, 27 Nofeembar 2025 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad Khawaarij ah...

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga todobaad kulankiisa 15-aad, waxaana shir...

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In