Tuesday, August 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo soo dhaweeyay go’aanka ay Deeq bixiyeyaasha Naadiga Paris dalka uga cafiyeen $1.4 Bilyan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 1, 2020
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Puntland ugu hambalyeey 21 guurada ka soo wareegtay Xilligii la unkay maamulkaasi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa soo dhoweeyay go’aanka ay Deeq bixiyeyaasha Naadiga Paris dalka uga cafiyeen $1.4 Bilyan oo kamid ahayd deyntii lagu lahaa dalkdeenna.

Arrinkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo todobaadkii la soo dhaafay hay’adaha dhaqaalaha  caalamiga ah (IFI’s) ay dalka ka cafiyeen $830m, taasoo isugeynta lacagta Soomaaliya  laga cafiyay illaa iyo hadda ka dhigeysa 2.25b. Deynta horay loogu lahaa Soomaaliya waxay ahayd $5.2 Bilyan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

August 25, 2025

Sidoo kale deeq bixiyayaasha aan xubnaha ka ahayn Naadiga ku bahoobay Paris ayaa iyana ballan qaaday in ay Soomaaliya ka cafin doonaan daytna ay Soomaaliya ku leeyihiin 67%  kamid ah, taasoo kor u qaadi doonta daynta laga cafiyay dalkeenna. Waxaa kale oo ay deeq bixiyayaashu ballan qaadeen in ay daymaha oo dhan ama intooda badan ay ka cafin doonaan Soomaaliya marka ay Soomaaliya kasoo baxdo shuruudaha u harsan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dalalkan uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen dadaallada ay dowladda Soomaaliya dib ugu habaynaysay nidaamkeeda maaliyadeed iyo sida ay uga qeyb qaateen xaqiijinta rajada shacabka Soomaaliyeed.

“Waa tallaabo taariikhi ah oo ka turjumeysa soo nooleynta Qaranimadeena, isla markaana ah guul usoo hoyatay qof walba oo Soomaali ah. Waa dadaal miro dhalay oo u baahan in la joogteeyo”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay dadaalka ay hay’adaha dowladda Soomaaliya heer federaal iyo heer dowlad goboleed ku bixiyeen ka mira dhalinta arrintan oo ahayd halbeeggii ugu  weynaa ee ay Soomaaliya ku guuleysato 30 kii sano ee la soo dhaafay.

 

 

Previous Post

Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka oo ka tacsiyadeeyay geerida Nuur Cadde

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyay geerida Nuur Cadde

Next Post
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo meel mariyay ku noqoshada qoondada Miisaaniyadda Dowladda 2019 “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyay geerida Nuur Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb gali...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

August 25, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda kulan kula qaatay Masuuliyiin...

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

August 25, 2025
0

Iyadoo la tixgelinayo muhiimadda midnimada Qaran, xasilloonida siyaasadeed iyo dowlad-wanaagga loo dhan yahay, isla markaana mudnaanta la siinayo geedisocodka dowlad-dhiska...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

August 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta SoDMA, lacag dhan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In