Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in deg-deg loo joojiyo dirirta dadka walaalaha ah ee ka taagan deegaannada galbeedka magaalada Kismaayo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo “Dadka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay u hoggaansamaan talooyinka caafimaad ee badqabkooda.”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku tilmaamay murugo iyo uur-ku-taallo dirirta sokeeye ee ka taagan deegaanno hoos taga magaalada Kismaayo, waxa uuna ku baaqay in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda iyo dhiigga macna la’aanta ku daadanaya ee beelaha walaala ah dhexmaraya.

“Innaa Lillaahi waa inaa Ileyhi raajicuun. Waa arrin aan la aqbali karin in colaad ay ka soo cusboonaato dad walaalo ah oo maanta loo baahnaa in ay u midoobaan la dagaallanka argaggixisada Al-shabaab iyo ka xoraynta deegaannada ay joogaan”.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay waxgaradka iyo odeyaasha dhaqanka deegaannadaas, culimada iyo dhallinyarada joojinta dhiigga daadanaya ee dadka walaalaha ah.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu u rajaynayaa caafimaad deg-deg ah dhammaan intii ku waxyeelowday dirirtan, waxa uuna Jannatul Firdowsa Alle uga baryey dadkii rayidka ahaa ee naftooda ku waayey colaaddan.

Previous Post

Guddiga-Wadajirka ee diyaarinta xeerarka Dhammaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo hakiyay shaqadooda “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida ciyaaryahan siciid Ducaale

Next Post
Madaxweyne farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida ciyaaryahan siciid Ducaale

Madaxweyne farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida ciyaaryahan siciid Ducaale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee...

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026
0

R/ Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Sooaaliya Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In