Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay in qofkii ugu horeeyay uu u dhintay Coronavirus, lana helay afar kiis horleh
- Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyada oo ka duulaysa waajibaadka ka saaran inay la wadaagto bulshada Soomaaliyeed hadba wixii ka cusboonaada caabuqa COVID-19, waxay umadda la wadaagaysaa qodobadan:
- Waxay Wasaaraddu cadaynaysaa in uu bilowday faafitaanka cudurka ee bulshada dhexdeeda (community transmission)
- Waxay Wasaaraddu xaqiijisay maantay 4 xaaladood oo cusub oo la xariirta caabuqa COVID-19 taas oo tirada guud ee xaaladahada caabuqa COVID-19 ka dhigaysa 12
- Afarta xaaladood oo cusub ayaa ah dad dhamaantood wadanka dhexdiisa joogay oo aan la laheyn xiriir dibadda
- Waxaa sidoo kale geeriyooday Allaha u naxariistee xaaladdii ugu horraysay ee la xariirta caabuqa COVID-19, Soomaali 58 jir ah, kaas oo noqnaya dhimashadii ugu horraysay wadanka gudihiisa
- Waxaa kamid ah dadka laga helay cudurka 2 Sarkaal oo ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka, taas oo qasab ka dhigaysa dhammaan dadkii la shaqaynayay ama xariirka la lahaa inay karantiil galaan inta laga xaqiijinayo baaritaankooda.
- Wasaaraddu waxay ku mashquulsantahay raadinta dadka ay xariirka la sameeyeen xaaladahaas cusub
- Wasaaraddu waxay bulshada Soomaaliyeed mar kale ku adkaynaysaa inay guryohooda ku ekaadaan, kana taxadaraan caafimaadkooda iyo badqabkooda.
- Fadlan nagala qayb-qaata xakamaynta cudurka oo raaca tilmaamaha caafimaad ee sida joogtada ah idiinla wadaagayso Wasaaradda Caafimaadka.