Tuesday, July 29, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War-Murtiyeed ka soo baxay shir ay yeesheen Wasaaradda Awqaafta iyo culimada Soomaaliyeed

admin by admin
April 11, 2020
in Wararka
0
War-Murtiyeed ka soo baxay shir ay yeesheen Wasaaradda Awqaafta iyo culimada Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaaradda  Awqaafta  iyo Arrimaha Diinta Mudane Sheikh Nuur Maxamed Xasan iyo Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo maanta kulmay ayaa  ka wada hadlay dardar gelinta dadaallada lagula tacaalayo  cudurka Coronavirus.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiinta wasaaradda, mas’uuliyiin ka socotay xafiiska ra’iisulwasaaraha XFS, dhaqaatiir Iyo hay’adaha Amniga,Waxaana la isla gorfeeyay sida ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo faafitaanka cudurkaan safmarka ah ee ku soo kordhay dalkeenna.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad oo ka qeybgalay iskaashi dhexmaraya Save the Children iyo Shirkadda Hormuud

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad oo ka qeybgalay iskaashi dhexmaraya Save the Children iyo Shirkadda Hormuud

July 29, 2025
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hay’adda IOM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hay’adda IOM

July 29, 2025

Dood iyo aragti is-dhaafsi ka dib waxaa wasaaradda iyo culimadu isla garteen qodobada soo socda:

  1. In Culimada oo ka mid ah dadka ay bulshadu dhageysato ay kaalin weyn ka qaataan wacyigelinta bulshada ee ku aaddan cudurkan khatarta ah ee Covid19.

 

  1. In la dhiso guddi ka shaqeeya taakuleynta iyo caawinta qeybaha nugul ee bulshada oo uu saameynta nololeed ku yeelanayo cudurkan Coronavirus, maadaama  ay nagu soo aaddan tahay bisha barakeysan ee Ramadaan.

 

  1. Guddi ka kooban  Dowladda, khubarada caafimaadka iyo culimada ayaa qiimeyn doona oo go’aan ka gaari doona waxa laga yeelayo arrinta  masaajidda kadib marka cilmi baaris diini iyo mid caafimaad ah la sameeyo.

 

  1. Waxaa markale la farayaa ganacsatada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u turaan shacabka Soomaaliyeed oo aysan sare u qaadin qiimaha waxyaabaha daruuriga u ah nolosha shacabka Soomaaliyeed, culimadana wacyigalin ka sameyso, hay’adaha dowladda ee arrintu khuseysana tallaabada ku habboon ka qaadaan.
Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay Saraakiisha ammaanka

Next Post

Ciidanka Danab oo gacanta ku dhigay dhagarqabe watay walxaha qarxa

Next Post
Ciidanka Danab oo gacanta ku dhigay dhagarqabe watay walxaha qarxa

Ciidanka Danab oo gacanta ku dhigay dhagarqabe watay walxaha qarxa

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad oo ka qeybgalay iskaashi dhexmaraya Save the Children iyo Shirkadda Hormuud

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad oo ka qeybgalay iskaashi dhexmaraya Save the Children iyo Shirkadda Hormuud

July 29, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Cabdi, ayaa kaga qeybgalay munaasabadda saxiixa iskaashi...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hay’adda IOM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hay’adda IOM

July 29, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha...

Guddoomiyaha Hay’adda Socdaalka oo gaaray Jarmalka

Guddoomiyaha Hay’adda Socdaalka oo gaaray Jarmalka

July 29, 2025
0

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qaybgalay heshiis Iskaashi oo u dhaxeeya Hormuud Telecom iyo Save the Children

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qaybgalay heshiis Iskaashi oo u dhaxeeya Hormuud Telecom iyo Save the Children

July 29, 2025
0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacday munaasabad rasmi ah oo lagu saxiixay heshiis iskaashi oo muhiim ah, kaas oo u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In