Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Booliska Hirshabeelle ayaa xiray xuduuda uu Gobolka Hiiraan la wadaago itoobiya kaasi oo mudooyinkaan si xowli ah qaad ugu soo gudbi jiray si sharci daro ah.
Waxaana sidoo kale maanta Ciidamada ay howlgallo lagula dagaalamayo qaadka ay ka sameeyeen gudaha magaalada Baladweyne iyadoo ganacsatada keenta iyo kuwa uga ganacsado gudaha Magaalada lagu war geliyay in ay xarig iyo lacag ganaax ah mutaysan doonaan cidii jabisa amaradda laga soo saaray.
Dowladda federaalka Soomaaliya kuwa maamulada goboleedyada dalka ayaa dadaal ugu jira ka hortaga xanuunk garoonka Covid-19 kaasi oo kiisas laga helay dalka ay gaarayaan in kabadan 60 ruux .