Wednesday, December 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO: Dowladda oo shacabka Soomaaliyeed la wadaagtay warbixintii ugu dambeysay ee xaaladda COVID-19 ee dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xukuumadda, Maamulka Gobalka Banaadir, Taliska Booliska, Culimada iyo Dhaqaatiirta ayaa si toos ah bulshada ugala hadlay xaaladda COVID-19 ee dalka.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa caawa ka hadashay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19, dadaallada socda ee lagu xakameynayo, horumarradda la gaaray iyo qorshaha la doonayo in lagu joojiyo faafintaanka cudurka.

Related posts

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

December 2, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

December 2, 2025

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo xubin ka ah Guddiga Qaran ee ka hortagga COVID-19, oo caawa ka hadlay muhiimmadda uu Islaamku siiyay raacista awaamirta dowladda, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u hoggaansamaan awaamiirta lagu xakameynayo faafitaanka cudurkaan halista badan, si bulshada ay u hesho daryeelka ay u baahantahay.

Dr. Maxamed Cabdi Yuusuf oo xubin ka ah Guddiga Qaran ee ka Hortagga Covid-19 ayaa dhammaan bulshada ugu baaqay inay ku dhaqmaan talooyinka caafimaad ee lagu xakameynayo faafitaanka COVID-19, si guul looga gaaro qorshaha bed-qabka iyo daryeelka Ummadda.

Guddoomiye ku-xigeenka gobalka Banaadir ee amniga iyo siyaasadda, Maxamed Cabullaahi Tuulax, ayaa shacabka Muqdisho uga mahadceliyay sida ay ugu hoggaansameen dhaqan gelinta bandawga xilliyada habeenkii lagu soo rogay Muqdisho,waxuuna ugu baaqay inay sii wadaan la shaqeynta maamulka iyo laamaha amniga, si loogu guuleyso xakameynta COVID-19.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar), oo ka war bixiyay sida uu bandawgii uga dhaqan galay magaalada Muqdisho, ayaa u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed ee gartay inay sida ugu habboon dowladda ugala shaqeeyaan dhaqan gelinta bandawga, waxuuna laamaha amniga mar kale faray inay shaqadooda sida ug wagaansan u gutaan.

Halkan ka daawo muuqaalka looga hadlayo xaaladdihii ugu dambeeyay ee Coronavirus

https://www.facebook.com/sntvnews/videos/3220530817989772/?epa=SEARCH_BOX

Previous Post

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo beeniyay warar laga faafiyay

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre: “Masiibada maanta waxaa ka nabad galaya kuwa dhagaysta talooyinka bahda Caafimaadka”

Next Post
DAAWO Ra’iisul Wasaare Khayre oo caawa ka hadlay COVID-19  

Ra’iisul Wasaare Khayre: "Masiibada maanta waxaa ka nabad galaya kuwa dhagaysta talooyinka bahda Caafimaadka"

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

December 2, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin, waxaana munaasabadda lagu martigeliyey...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

December 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda UK oo...

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

December 2, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi sare...

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

December 2, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta kormeeer kooban ugu tagay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In