Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Kahor Tagga COVID-19 Oo Ka Digay Khatarta Ka Dhalan Karta Qarsashada Cudurka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Guddiga Kahor Tagga COVID-19 Oo Ka Digay Khatarta Ka Dhalan Karta Qarsashada Cudurka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tala-bixiyaha caafimaad ee COVID 19, Dr Maxmed Cali Fuje, oo caawa ka war bixiyay dadaallada ay wadaan guddiga qaran ee kahor tagga COVID-19, ayaa bulshada Soomaaliyeed uga digay khatarta iyo saameynta ay yeelan karto in bukaannadu qarsadaan cudurkaan halista badan ee laayaanka ah.

Dr Maxmed Cali Fuje waxuu caddeeyay in guddigu bixiyeen dadaallo guuleystay, si habsami lehna u socdaan howalaha xarumaha caafimaadka ee loo diyaarshay in dadka lagu baaro, kuwa bukaannada lagu daweeyo iyo xarunta xariirka COVID-19 ee bulsha lagula socodsiiyo talooyinka ay u baahanyihiin, sidoo kalana looga gurmado dadka u baahan gurmadka degdegga ah.

Related posts

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025

Dhaqtarka ayaa ku celiyay in dadaalkaas oo dhan sababta loo bixinayo ay tahay in kor loo qaado heerka bed-qabka bulshada, hase yeeshee hadii dadku ay qarsadaan cudurka oo aysan tegin goobaha baarista oo aysan raadsan talooyin caafimaad, ay keeneyso in cudurku uu sii faafo, oo dhibaato uu gaarsiiyo dad badan oo la badbaadin kari lahaa.

Tala-bixiyaha caafimaad ee COVID 19 ayaa ku taliyay in qof kasta oo isaga shakiya cudurkaan uu la xariixo xarunta xariirka COVID-19, lana raaco talooyinka la siinayo, si guul looga gaaro dadaallada naf-baadinta ee lagu doonayo inay daryeel buuxa ku helaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Guddoomiyay Kulanka Guddoomiyaasha Guddiga Dowlad Gobaleedyada Ee Ka Hortagga COVID-19

Next Post

Dowladda Oo Xaqiijisay in ay soo Kordheen Xaalado Cusub oo COVID-19 Ah

Next Post
Dowladda Oo Xaqiijisay in ay soo Kordheen Xaalado Cusub oo COVID-19 Ah

Dowladda Oo Xaqiijisay in ay soo Kordheen Xaalado Cusub oo COVID-19 Ah

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii Diseembar 2025 fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah khawaarijta, kaas oo ka dhacay...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

December 22, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay...

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

December 21, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta isbitaalka Digfeer ku booqday dadkii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In