Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFSoomaaliya oo dhambaal hambalyo ah u diray shaqaalaha Soomaaliyeed

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFSoomaaliya oo dhambaal hambalyo ah u diray shaqaalaha Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa manta dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska munaasabadda 1-da May, ee maalinta shaqaalaha aduunka aawadeed u diray shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, iyaga iyo qoysaskooda.

Dhambaalkaan waxa uu u qornaa sidatan;-

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Shaqaalaha Soomaaliyeed waxaan uga mahadcelinaynaa maskax iyo muruqa ay geliyeen dib u dhiska iyo horumarinta dalkeenna. Waxaan xasuusannahay dadaalladii wax ku oolka ahaa iyo doorkii taariikhiga ahaa ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sooyaalka dalkeenna, iyaga oo saldhig u ahaa halgankii xurnimo doonka iyo aasaaskii qarannimadeenna.

Waxay maanta oo kale mudnaayeen u qabasho dabaaldegyo, kulamo lagu sharfayo iyo guddoonsiin abaalmarino. Hase yeeshee, saamaynta uu keenay caabuqa COVID-19 darteed suurtogal inooma ahan arrimahaasi.

Dalkeenna maanta waxaa uu la tacaalayaa halis caafimaad oo uu sababay cudurka COVID-19, kaasoo dunida oo idil ku yeeshay saamayn xoog leh oo dhinacyada caafimaadka, dhaqaalaha, bulshada iyo weliba suuqyada shaqooyinka. Waxaa intaas inoo dheer masiibooyin dabiici ah oo ku dhuftay qaybo ka mid ah dalkeenna, iyo argagixiso ummadda dhibaatadeeda guul u arka. Dhammaan caqabadahan waxa ay inagu waajibinayaan in aan laba laabno dadaalkeenna iyo waxqabadkeenna, innaga oo mideynayna muruqeenna iyo maankeenna, si aan u xaqiijinno hiigsigeenna ku aaddan dal horumarsan oo barwaaqo ah.

Inkasta oo shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku shaqeeyeen duruufo adag, haddana waxa ay muujiyeen hawlkarnimo iyo dhabar adayg, iyaga oo ka gudbay caqabado badan, isla markaana xaqiijiyay rajada iyo yididiilada shacabka Soomaaliyeed ee dib u soo nooleynta Qarankeenna.

Dawladdu waxa ay xoogga saartay Ilaalinta xuquuqda iyo sharafta shaqaalaha Soomaaliyeed, kuwa dawladda u shaqeeya iyo kuwa aan dawladda u shaqaynba, waxaana aan mudnaanta siinay kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dhallinyarada.

Waxaan xaqiijinay inaan shaqaalaha dawladda xuquuqdooda mushahar siino, taas oo aan uga golleenahay yareynta shaqo la’aanta ka jirtay dalkeenna, waana ku dadaalaynaa sidii guri kasta oo Soomaaliyeed u heli lahaa dhaqaale uu ku maareeyo noloshiisa.

Si loo xoojiyo xuquuqda iyo waxqabadka shaqaalaha, waxaan dardar gelinaynaa dadaalladeenna ku aaddan xoojinta Iskaashatooyinka dalka, ururrada shaqaalaha iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Waxaan munaasabaddan uga faa’iidaysanayaa inaan halkaan baaq uga diro loo-shaqeeyeyaasha, ha ahaadaan dawlad, ganacsato, iyo hay’ado kaleba, in la ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha waqtigan adag ee cudurka COVID-19 saameeyay noloshooda oo idil. Ha la isku naxariisto si EEBBE noogu naxariisto.

Waxaan Alle naxariistiisa Jannatul Fardows u weydiinayaa waalidiinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku naf waayey iyaga oo maskaxdooda iyo muruqooda ugu adeegaya dalkooda.

Tags: Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal hambalyo ah u diray shaqaalaha Soomaaliyeed
Previous Post

Guddoomiye Tuulax oo kormeer lagu hubinayo Amniga ku tagay Degmada Hilwaa+Sawirro

Next Post

Kulan lagu taageerayay howlgallada ciidamada ka wadaan Bakool oo lagu qabtay Xudur “SAWIRRO”

Next Post
Kulan lagu taageerayay howlgallada ciidamada ka wadaan Bakool oo lagu qabtay Xudur “SAWIRRO”

Kulan lagu taageerayay howlgallada ciidamada ka wadaan Bakool oo lagu qabtay Xudur “SAWIRRO”

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In