Saturday, May 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii sagaalaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa sagaalaad oo ah wareegga koowaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Dhuusamareeb Vs Deyniile oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana barnaamijka sanadkii todobaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Dhuusamareeb Vs Deyniile ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 9, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

May 9, 2026

Dhuusamareeb

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud waxaa la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aall oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Deyniile, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb waxay noqotay Afar iyo Toban (14) dhibcood.

Deyniile

Tartameyaasha Degmada Deyniile ee gobolka Galgaduud waxaa dhankooda la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, waxaana ay iska qaldeen Saddex su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Deyniile ay heleen waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka Tobnaad ee tartanka, waxaa foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Boosaaso Vs Buur-hakaba oo ka kala tirsan Gobollada Bari iyo Baydhabo..

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo Qalab Lagu baaro COVID-19 iyo Daawo gaarsiiyay Magaalada Baraawe+Sawirro

Next Post

Dowladda Oo Kismaayo Geysay Dawo iyo Qalab Caafimaad Oo Qeyb Ka qaadanaya Xakameynta COVID-19

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo Qalab  Lagu baaro COVID-19 iyo Daawo gaarsiiyay Magaalada Baraawe+Sawirro

Dowladda Oo Kismaayo Geysay Dawo iyo Qalab Caafimaad Oo Qeyb Ka qaadanaya Xakameynta COVID-19

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qatar u...

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray go’aanno ku aaddan sida ay u dhaceyso doorashada KGS ee...

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa shir-guddoomiyey kulanka amniga caasimadda...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo uu wehlinayay Xoghayaha Guud ee Guddiga,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In