Tuesday, August 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo ka tacsiyadeeyey geerida Qoraa Aways Shiino

admin by admin
May 4, 2020
in Wararka
0
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta  oo ka tacsiyadeeyey geerida Qoraa Aways Shiino
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Alle ha u naxariistee, waxaa maanta oo Isniin ah ku geeriyooday Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, qoraaga Aways Xuseen Xasan(Shiino) oo ka tirsanaa mas’uuliyiinta Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Soomaaliya.

Cabdi Canshuur Xasan, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda dawladda Federal-ka Soomaaliya, ayaa bartiisa Facebook qoraal uu dhigay, ku sheegay in uu aad uga naxay geerida Marxuum Aways Shiino.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

August 25, 2025

“Allaha u naxariistee Marxuum Aweys waxa uu muddo dheer ka soo shaqeeyey qeybaha kala duwan ee Wasaaradda. Waxa uu ka mid ahaa khuburada aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda ugu shaqeeyey dalka marxaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray, waxa aan ku xasuusan doonnaa marxuumka howl-karnimo, daacadnimo iyo dulqaad badan”, ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa xusay in Marxuumka uu ahaa Qoraa aqris badan oo hibo u lahaa curinta iyo turjumaadda qoraallo iyo sheekooyin saameyn badan ku yeeshay nolosha aqristayaasha xilligii uu ka tirsanaa Wasaaradda Warfaafinta.

“Waxa aan Ilaahay ugu baryeynaa in uu u naxariisto, sabir iyo Iiimaanna ka siiyo qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed”, Mr. Canshuur ayaa Sidaa Alle uga beryey.

Marxuum Aways Xuseen Xasan( Aways Shiino) waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1955-tii, waxa uu waxbarashadiisa dugsiga hoose, iyo sare ku qaatay Xamar, waxa uuna jaamacadiisa ku soo qaatay Syria halka dalalka kale sida Lubnaan uu aqoon korosi u tagay, sida Wakaaladda SONNA ogaatay.

SONNA ayaa sheegtay in Marxuumka uu ahaa saxafi, qoraa iyo mutarjam luuqada Carabiga wax ku turjamayey, waxa uuna wax ku qori jiray Wargayskii Xidig October ee dalkeena beri-samaadkii ka soo bixi jiray.

Previous Post

Wasiir Hilaal oo Kormeeray Isbitaalka Guud ee Baardheere+Sawirro

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay Guddiga Gurmadka Daadadka Bacaadweyn

Next Post
Madaxweynaha dowladd Goboleedka Galmudug oo gaaray deegaanada Huurshe iyo Xeraale  ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay Guddiga Gurmadka Daadadka Bacaadweyn

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb gali...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

August 25, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda kulan kula qaatay Masuuliyiin...

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

August 25, 2025
0

Iyadoo la tixgelinayo muhiimadda midnimada Qaran, xasilloonida siyaasadeed iyo dowlad-wanaagga loo dhan yahay, isla markaana mudnaanta la siinayo geedisocodka dowlad-dhiska...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

August 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta SoDMA, lacag dhan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In