Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii sagaalaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa sagaal iyo Tobnaad oo ah wareegga labaad kulankiisa 4aad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Kismaayo Vs Hodan oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii todobaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.
Tartameyaasha labada degmo ee Kismaayo Vs Hodan ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac.
Kismaayo
Tartameyaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, waxaana ay iska qaldeen Saddex su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay Hodan, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kismaayo ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.
Hodan
Tartamayaasha Degmada Hodan ee Gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Hodan waxay noqotay lix (6) dhibcood.
Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka labaatanaad ee tartanka, waxaa isku doona, tartamaayasha degmooyinka Jowhar Vs Dhuusamareeb oo ka kala tirsan Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud..