Thursday, July 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Kaxda oo caawa u soo gudubtay wareegga saddexaad ee tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Kaxda oo caawa u soo gudubtay wareegga saddexaad ee tartanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii sagaalaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 22-aad oo ah wareegga labaad kulankiisa todobaad ku tartamay tartameyaasha DegmooyinkaΒ KaxdaΒ VsΒ XudurΒ oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Bakool, waxaana barnaamijka sanadkii todobaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Kaxda Vs Xudur ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac intii uu tartanka socday.

Related posts

𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ¬π’π’π«π«πšππš 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐒𝐱𝐒𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐑𝐒𝐬𝐚𝐦𝐚𝐑𝐚 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π’πšπ«πž 𝐞𝐞 π€ππžπžπ π πš π†πšπ«π¬π¨π¨π«π€πš

𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ¬π’π’π«π«πšππš 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐒𝐱𝐒𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐑𝐒𝐬𝐚𝐦𝐚𝐑𝐚 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π’πšπ«πž 𝐞𝐞 π€ππžπžπ π πš π†πšπ«π¬π¨π¨π«π€πš

July 23, 2026
Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

July 23, 2026

Kaxda

Tartameyaasha Degmada Kaxda ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeenΒ AfarΒ su’aal oo kaliya, waxaana ay iska qaldeenΒ SaddexΒ su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteenΒ LaboΒ su’aal oo soo hareermartay Xudur, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kaxda ay heleen waxay noqotay labo iyo toban (12) dhibcood.

Xudur

Tartamayaasha Degmada Xudur ee Gobolka Bakool waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeenΒ AfarΒ su’aal, iyagoo iska qaldayΒ SaddexΒ su’aal, waxa ay ka faa’iideysteenΒ HalΒ su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Kaxda, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xudur waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka ugu dambeysa ee wareegga 2aad ee tartanka, isla markaana ah habeenka Labo iyo labaatanaad ee tartanka, waxaa foodda is dari doona degmooyinka Warta Nabadda Vs Xamarweyne oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir.

Previous Post

Boosaaso: Ciidamada ammaanka oo gacanta ku dhigay qaraxyo ay maleegayeen dhagarqabayasha Daacish β€œSAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho 14-05-2020

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho 14-05-2020

𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ¬π’π’π«π«πšππš 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐒𝐱𝐒𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐑𝐒𝐬𝐚𝐦𝐚𝐑𝐚 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π’πšπ«πž 𝐞𝐞 π€ππžπžπ π πš π†πšπ«π¬π¨π¨π«π€πš

𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ¬π’π’π«π«πšππš 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐒𝐱𝐒𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐑𝐒𝐬𝐚𝐦𝐚𝐑𝐚 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π’πšπ«πž 𝐞𝐞 π€ππžπžπ π πš π†πšπ«π¬π¨π¨π«π€πš

July 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

July 23, 2026
0

Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya lagu soo gebagebeeyay shirkii ugu horreeyay ee heer gobol ee Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga...

Soomaaliya iyo Kuuriyada koofureed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Kuuriyada koofureed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

July 23, 2026
0

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Taliska Ciidanka XDS oo faahfaahin ka bixiyay howlgalkii ka dhacay deegaanka Teedaan

July 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa 21-kii bishan fuliyay howlgal duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In