Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 42 ee May 14, 2020 ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Madaxtooyada ee Puntland.
Madaxweynaha Puntland.
Markuu arkay : Dastuurka Dowlad Gpboleedka Puntland Qodobkiisa 80aad.
Markuu arkay: Dadaalkooda iyo Kartidooda Ciidanimo oo ay muujiyeen.
Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in isbedel lagu sameeyo Taliska Ciidanka.
Wuxuu xeeriyey:
- Waxaa Gaashaanle Sare Cusmaan Cumar Maxamed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada.
- Waxaa Gaashaanle Sare Cabdirisaaq Axmed Cali loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa Markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.