Munaaasabad kooban oo lagu weyneynayay sannad-guurada 77-aad ee aas-aaskii Ururka (SYL) ee horseeday xornimada dalka iyo guusha ay gaarsiiyeen 13-kii dhallinyaro ee baalka dahab ah ka galay taariikhda Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.
Kualnkaan oo ay soo qaban qaabiyeen ururka dhalinyarada gobolka shabeellah dhexe ayaa lagu bogaadiyay kaalinta dhalinyarada soomaaliyeed looga baahanyahay inay ka qaatan hormarinta dalka iyo dhameystirka dowladnimada soomaaliyeed.
Sido kale waxaana inta badan ay ka hadlayeen doorka ay ku leeyihiin ahmiyada dalka la gaarsiiyo guud ahaan jiilka soo korayo ee waqtigaan jiro.
15-ka may waa maalin ku dheer xasuusta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo guud aha shacab weynaha Soomaaliyeed waxaana laga joogaa 77-sano markii la aas-aasay 1943 ururkii SyL oo ka koobnaa 13 dhalinyaro oo dalkaan wax badan usoo qabtay.