Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo daahfurtay adeegga Macluumaadka WhatsApp

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Dowladda Oo Ballaarineysa Hannaaka Bulshada Looga Baarayo Xanuunka COVID-19 “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay maanta daahfurtay Adeega Macluumaadka Coronavirus ee WhatsApp.

Adeegan cusub oo lacag la’aanta ah ayaa waxaad kaheli kartaa xogta Coronavirus ee ugu dambeysey, oo sugan, saxnaanshaheedana la hubiyey, iyadoo ujeedku yahay inaan gudano waajibaadkeena ah in bulshadu marwalba la socdaan xaalada caabuqa COVID-19 ee dalka.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025

Adeega Macluumaadka Coronavirus ee WhatsApp waa ‘Robot kuu jawabaya’ oo u sahlaya bulshada Soomaaliyeed inay jawaabo u helaan su’aalaha soo noqonoda ee ku saabsan Coronavirus, jawabaahaas oo idiin ka imanaya Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya.

Iyadoo uu sahlayo wada sheekaysi laba dhinac ah, Adeega Macluumaadka Coronavirus waxaa lagu dhisay WhatsApp Business API, waxaana loo adeegsaday barta xiriirka adduunka ee ay leedahay Infobip si loo sahlo in dadku wadaagaan xogta la xiriirta Coronavirus.

Adeegani wuxuu Wasaaradda Caafimaadka Federaal Soomaaliya u sahlayaa in si deg deg ah oo waqtiyeysan ay bulshada oo dhan ula wadaagto xogaha muhiim ka ah.

Dhamaan dadka ka isticmaala WhatsApp waxay heli karaan macluumaad lacag la’aan ah. Waxaad mobile-kaaga ku kaydsataa (sayf-garee) lambarka: +252 61 3 600700. Hadaba, si aad u isticmaashid, markaad lambarka sayf-garaysid kadib, waxaad doorataa WhatsApp-ka lambarkaan, kadibna waxaad ku qortaa tusaale ahaan ‘Asc’, tani waxay ku siisanaynaa liis aad kala dooran kartid. Sidoo kale waxaa ka geli kartaa adigoo gujinaya: https://bit.ly/MoHSomalia

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Fawziya Abikar Nur oo ka hadashay iskaashiga Wasaaradda, WhatsApp & Infobip ayaa tiri “Sida aan ognahay, WhatsApp waa mid ka mid ah kuwa ugu caansan baraha bulshada ee Soomaaliya laga isticmaalo. Sidaas darteed, waxaan u mahadcelinaynaa WhatsApp & Infobip doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen dadaallada wacyigelinta bulshada ee aan ku xakamaynayno caabuqa Coronavirus.”

Matt Idema, Madaxa Hawlaha WhatsApp, wuxuu ka yiri arinkaan “Waqtiyadan adag oo kale, dadku waxay aad u adeegsadaan WhatsApp-ka si ay ula xiriiraan una caawiyaan qaraabadooda, asxaabtooda iyo bulshadoodaba. Waxaan ku faraxsannahay inaan ku caawino Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya hab isgaarsiineed kaas oo u sahlaya inay su’aaaha bulshadooda ka imanaya ay ka bixiyaan jawaabo lagu kalsoon yahay iyo talooyin caafimaad oo deg-deg ah si loo xaqiijyo badqabka bulshada.”

Previous Post

Dhalinyarada Buulo-burde oo olole dhir beeris ah ka sameeyay wadooyinka magaalada +sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha Oo Dhallinyarada Uga Mahadceliyay Kaalintooda La Dagaallanka Covid19 Iyo Fatahaadaha

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha Oo Dhallinyarada Uga Mahadceliyay Kaalintooda La Dagaallanka Covid19 Iyo Fatahaadaha

Ra’iisul Wasaaraha Oo Dhallinyarada Uga Mahadceliyay Kaalintooda La Dagaallanka Covid19 Iyo Fatahaadaha

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo gudanaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In