Saturday, May 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo daahfurtay adeegga Macluumaadka WhatsApp

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Oo Ballaarineysa Hannaaka Bulshada Looga Baarayo Xanuunka COVID-19 “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay maanta daahfurtay Adeega Macluumaadka Coronavirus ee WhatsApp.

Adeegan cusub oo lacag la’aanta ah ayaa waxaad kaheli kartaa xogta Coronavirus ee ugu dambeysey, oo sugan, saxnaanshaheedana la hubiyey, iyadoo ujeedku yahay inaan gudano waajibaadkeena ah in bulshadu marwalba la socdaan xaalada caabuqa COVID-19 ee dalka.

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

May 30, 2026
Ciidamada ammaanka oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka wada gudaha magaalada Gaalkacyo

Ciidamada ammaanka oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka wada gudaha magaalada Gaalkacyo

May 30, 2026

Adeega Macluumaadka Coronavirus ee WhatsApp waa ‘Robot kuu jawabaya’ oo u sahlaya bulshada Soomaaliyeed inay jawaabo u helaan su’aalaha soo noqonoda ee ku saabsan Coronavirus, jawabaahaas oo idiin ka imanaya Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya.

Iyadoo uu sahlayo wada sheekaysi laba dhinac ah, Adeega Macluumaadka Coronavirus waxaa lagu dhisay WhatsApp Business API, waxaana loo adeegsaday barta xiriirka adduunka ee ay leedahay Infobip si loo sahlo in dadku wadaagaan xogta la xiriirta Coronavirus.

Adeegani wuxuu Wasaaradda Caafimaadka Federaal Soomaaliya u sahlayaa in si deg deg ah oo waqtiyeysan ay bulshada oo dhan ula wadaagto xogaha muhiim ka ah.

Dhamaan dadka ka isticmaala WhatsApp waxay heli karaan macluumaad lacag la’aan ah. Waxaad mobile-kaaga ku kaydsataa (sayf-garee) lambarka: +252 61 3 600700. Hadaba, si aad u isticmaashid, markaad lambarka sayf-garaysid kadib, waxaad doorataa WhatsApp-ka lambarkaan, kadibna waxaad ku qortaa tusaale ahaan ‘Asc’, tani waxay ku siisanaynaa liis aad kala dooran kartid. Sidoo kale waxaa ka geli kartaa adigoo gujinaya: https://bit.ly/MoHSomalia

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Fawziya Abikar Nur oo ka hadashay iskaashiga Wasaaradda, WhatsApp & Infobip ayaa tiri “Sida aan ognahay, WhatsApp waa mid ka mid ah kuwa ugu caansan baraha bulshada ee Soomaaliya laga isticmaalo. Sidaas darteed, waxaan u mahadcelinaynaa WhatsApp & Infobip doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen dadaallada wacyigelinta bulshada ee aan ku xakamaynayno caabuqa Coronavirus.”

Matt Idema, Madaxa Hawlaha WhatsApp, wuxuu ka yiri arinkaan “Waqtiyadan adag oo kale, dadku waxay aad u adeegsadaan WhatsApp-ka si ay ula xiriiraan una caawiyaan qaraabadooda, asxaabtooda iyo bulshadoodaba. Waxaan ku faraxsannahay inaan ku caawino Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya hab isgaarsiineed kaas oo u sahlaya inay su’aaaha bulshadooda ka imanaya ay ka bixiyaan jawaabo lagu kalsoon yahay iyo talooyin caafimaad oo deg-deg ah si loo xaqiijyo badqabka bulshada.”

Previous Post

Dhalinyarada Buulo-burde oo olole dhir beeris ah ka sameeyay wadooyinka magaalada +sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha Oo Dhallinyarada Uga Mahadceliyay Kaalintooda La Dagaallanka Covid19 Iyo Fatahaadaha

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha Oo Dhallinyarada Uga Mahadceliyay Kaalintooda La Dagaallanka Covid19 Iyo Fatahaadaha

Ra’iisul Wasaaraha Oo Dhallinyarada Uga Mahadceliyay Kaalintooda La Dagaallanka Covid19 Iyo Fatahaadaha

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay Dowladda walaalaha ah ee...

Ciidamada ammaanka oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka wada gudaha magaalada Gaalkacyo

Ciidamada ammaanka oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka wada gudaha magaalada Gaalkacyo

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada ammaanka ee Galmudug iyo Puntland oo iskaashanaya ayaa howlgallo wadajir ah ka sameeyay xaafado ka tirsan magaalada Galkacyo,...

Qorshe Mareykanku ku doonayo in Kenya xarun karantiil caafimaad looga dhiso oo muran badan ka dhaliyay Bariga Africa

Qorshe Mareykanku ku doonayo in Kenya xarun karantiil caafimaad looga dhiso oo muran badan ka dhaliyay Bariga Africa

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Qorshe lagu doonayo in Kenya laga dhiso xarun lagu karantiilo laguna daweeyo dadka Maraykanka ah,ee la kulmay Ebola ayaa...

Ururka Hidda-dhoor oo ka qayb galay maalinta Dhaqamada Jaaliyadaha oo lagu qabtay dalka Belgium

Ururka Hidda-dhoor oo ka qayb galay maalinta Dhaqamada Jaaliyadaha oo lagu qabtay dalka Belgium

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ururka Hidda Dhoor ayaa si weyn uga qeybgalay munaasabadda Maalinta Dhaqamada Jaaliyadaha ee lagu qabtay magaalada Kortrijk ee waddanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In