Saturday, August 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doorashada Madaxweynaha Burundi oo ka socta dalkaas

admin by admin
May 20, 2020
in Wararka
0
Doorashada Madaxweynaha Burundi oo ka socta  dalkaas
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dadka Reer Burundi ayaa maanta oo Arbaco ah dooranaya madaxweyne cusub oo beddala madaxweyne Pierre Nkurunziza, oo xukunka hayay muddo 15 sanno ah.

In kastoo ay jirto khatarta safmarka Corona, haddana dadweyne badan ayaa aroortii horre ee saaka la arkyay iyagoo safaf dhaadheer ugu jira goobaha codbixinta si ay doorashada uga qayb qaataan.

Related posts

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari oo ka socota Laascaanood

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari oo ka socota Laascaanood

August 23, 2025
Dhambaal Tacsi;- Marxuum Danjire Sharif Mohamed Omar

Dhambaal Tacsi;- Marxuum Danjire Sharif Mohamed Omar

August 23, 2025

Dalkan oo ay ku nool yihiin 11 milyan, in kabadan shan milyan oo qof ayaa la filayaa inay u codeeyaan madaxweynaha cusub iyo baarlamaanka, sida ay sheegeen guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka.

Goobaha codbixinta ayaa la furay saaka 6-dii aroornimo xilliga maxalliga ah, waxaana lagu wadaa in la soo gabagabeeyo 4ta galabnimo.

Toddobo murashax ayaa u taagan doorashada maanta ka dhaceysa Burundi, waxaana mid kasta uu rabaa inuu beddelo Nkurunziza, laakin fallaqeeyayaasha siyaasadda ayaa sheegeya in labo ka mid ah ay yihiin tartamayaasha ugu sarreeya.

Waxay yihiin Evariste Ndayishimiy, oo ah musharraxa xisbiga talada haya ee CNDD-FDD, iyo musharaxa ugu weyn ee mucaaradka National Congress for Liberty (CNL) ee loo magacaabay Agathon Rwasa.

Musharraxiinta waxay ku ololeeyeen ballan-qaad lagu hagaajinayo dhaqaalaha, in ay shaqooyin u abuuri doonaan da’ yarta, iyo midaynta dalka.

Ololaha doorashada, oo billowday 27-ka Abriil ayaa soo dhammaaday Axaddii, waxaana hareeyay rabshado aan kala go ‘lahayn oo u dhexeeya taageerayaasha xisbiga talada haya iyo xisbiga mucaaradka ee CNL.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay goobaha doorashada, waxaana jira cabsi la xiriirta in ay dhacaan rabshado.

W/Q: Maxamed Kaafi Cali Muumin

 

 

Previous Post

Webiga Shabeelle oo ku fatahay deegaano hoostaga degmada Mahadaay

Next Post

Madaxweynaha Falastiin oo ku dhawaaqay in ay joojin doonaan heshiisyadii ay la galeen Israa’iil iyo Maraykanka

Next Post
Madaxweynaha Falastiin oo ku dhawaaqay in ay joojin doonaan heshiisyadii ay la galeen Israa’iil iyo Maraykanka

Madaxweynaha Falastiin oo ku dhawaaqay in ay joojin doonaan heshiisyadii ay la galeen Israa'iil iyo Maraykanka

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari oo ka socota Laascaanood

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari oo ka socota Laascaanood

August 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD): Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Dowlad goboleedka Waqooyi Bari ayaa maanta ka dhacaysa magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Musharaxiin...

Dhambaal Tacsi;- Marxuum Danjire Sharif Mohamed Omar

Dhambaal Tacsi;- Marxuum Danjire Sharif Mohamed Omar

August 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, Wasiiru dowlaha Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiir...

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan la qadatay Xoghayaha Shaqaallaha Dowladda Norway

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan la qadatay Xoghayaha Shaqaallaha Dowladda Norway

August 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo wafdi ay hogaamineyso oo safar...

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

August 22, 2025
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa magaalada Yokohama kulamo miro-dhal ah kula yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In