Saturday, October 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Falastiin oo ku dhawaaqay in ay joojin doonaan heshiisyadii ay la galeen Israa’iil iyo Maraykanka

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Falastiin oo ku dhawaaqay in ay joojin doonaan heshiisyadii ay la galeen Israa’iil iyo Maraykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa sheegay in uu maamulkiisa joojinayo dhammaan heshiisyadii iyo is fahamkii ay la saxiixdeen Israel iyo Mareykanka, oo ay ku jirto amniga.

Madaxweyne Cabaas ayaa hadalkan ku dhawaaqay,  Talaadadii shaley kaddib markii hoggaamiyayaasha Falastiin ay kulan ku yeesheen magaalada Ramallah.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay heshiis is-waydaarsiga ganacsiga labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay heshiis is-waydaarsiga ganacsiga labada dal

October 18, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Talyaaniga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Talyaaniga

October 18, 2025

Go’aanka ayaa yimid isagoo ka jawaabaya soo jeedinta Israel ee ku saabsan in la ballaarinyo dhismayaasha ay ka dhiseyso Daanta Galbeed.

Cabaas wuxuu sheegay inay mas’uul ka tahay dowladda Maraykanka oo raali uga ah falalka Israel iyo go’aanada ka dhanka ah xuquuqda dadka reer Falastiin.

Israel ayaa la filayaa in 1-da bisha Julaay ay dhaqangaliso heshiisyadii ay la gashay Falastiiin, sida ay ku heshiiyeen Ra’iisal wasaare Netanyahu iyo Benny Gantz, oo ah madaxa xisbiga buluuga iyo cadaanka.

Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa ku hanjabay inay baabi’in doonaan heshiisyada laba geesoodka ah ee ay la galaan Israa’iil haddii ay ka gudubto istiraatijiyadda, taas oo wiiqi doonta xalka labada dowladood.

Qorshuhu wuxuu ku baaqayaa in la dhiso dowlad Falastiin oo ah jasiirad ku xeeran buundooyin iyo burooyin.

Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in qorshaha Mareykanka uu rabo ay tahay in Israa’iil ay 30% ama-40% ku darsan doonto Daanta Galbeed, oo ay ku jirto dhammaan Bariga Qudus.

Tarjume: Maxamed Kaafi Cali Muumin

Previous Post

Doorashada Madaxweynaha Burundi oo ka socta dalkaas

Next Post

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ka qeybgalay munaasabad xil wareejin ah oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Next Post
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ka qeybgalay munaasabad xil wareejin ah oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ka qeybgalay munaasabad xil wareejin ah oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay heshiis is-waydaarsiga ganacsiga labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay heshiis is-waydaarsiga ganacsiga labada dal

October 18, 2025
0

RADIO MUQDISHO(ISTANBUL):-Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha XFS Mudane Maxamuud Axmed Aadan iyo Wasiirka Ganacsiga ee Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Talyaaniga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Talyaaniga

October 18, 2025
0

RADIO MUQDISHO(ROME):-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Talyaaniga, ayaa magaalada Rome kula...

Hay’adda NIRA oo ku dhawaaqday muddada khidmad-dhaafka ee kaadhka aqoonsiga Qaranka

Hay’adda NIRA oo ku dhawaaqday muddada khidmad-dhaafka ee kaadhka aqoonsiga Qaranka

October 18, 2025
0

Hay'adda Is-diiwaangelinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka Ee NIRA,ayaa shaacisay muddada kama dambeysta ah ee ay ku eg tahay, adeegga khidmad-dhaafka ah...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir muhiim ah uga qayb galay dalka Mareykanka

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir muhiim ah uga qayb galay dalka Mareykanka

October 18, 2025
0

RADIO MUQDISHO(WASHINGTON DC):-Iyada oo uu gabo-gabo ku dhaw yahay Shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa Wasiirka Maaliyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In