Tuesday, August 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u soo xiray tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 22, 2020
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u soo xiray tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayari Maareeye ayaa caawa si rasmi ah  u soo gabo gabeeyay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo sanadkan ay ka qeyb galeen 30 degmo oo ka kala tirsan gobollada dalka oo ay ugu badnaayeen degmooyinka Gobollka Banaadir.

Munaasabadda xiritaanka tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka waxaa ka kaloo ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamed Maxamuud, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Benaadir Basma Caamir Jakeeti, Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Yaxye Cali Faarax iyo guddiga tartan cilmiyeedka.

Related posts

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐫𝐚𝐚𝐪 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐮 tegay 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤a

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐫𝐚𝐚𝐪 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐮 tegay 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤a

August 11, 2025

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

August 11, 2025

Mudan Cabdifataax Daahir Jeyte oo ka mid ah xubnaha guddiga ayaa ugu horeyn ku soo dhaweeyay Wakiilada Tartamayaasha Degmooyinka Buurhakaba iyo Dharkeynley, kuwaasi oo ka mahadceliyay sida wanaagsan ee uu tartanka u dhacay, iyagoo si wada jir ah u qiray inay aad ugu qanacsanyihiin hannaanka uu tartanka ku bilowday, kuna soo dhamaaday.

Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Yaxye Cali Faarax ayaa sheegay in sanadkan la qabtay tartankii ugu balaarnaa marka loo eego dhanka ku baahinta baraha bulshada ee Warbaahinta Qaranka, isagoo mahadcelin u jeediyay maamulka Gobolka Banaadir oo gacan ka geystay taaba gelinta tartanka.

“Waa tartankii sagaalad oo ay taabo geliso maamulka Gobolka Benaadir, waana tartanka ugu balaaran ee tartan aqooneed laga qabto magaalada, waxaa intaas dheer in ka badna shan kun oo qof ayaa si toos ah uga daawanayay baraha bulshada ee Warbaahinta Qaranka, waxaan rabaa inaan u mahadceliyo tartamayaasha kaalimaha koowaad, labaad iyo saddexaad galay,  howlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta ayaa u dhabar adeegay in uu tartanka heerkan soo gaaro” ayuu yiri Agaasime Yaxye Cali Faarax.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa sheegay inay sharaf u tahay in uu ka soo qeybgalo gunaanadka tartan aqooneedka Warbaahinta Qaranka, isagoo intaa ku daray in aqoon lagu tartamo ay tahay wax aad u wanaagsan.

“Waan uga mahadcelineynaa telefishinka Qaranka iyo Radio Muqdisho, anaga aan taabo gelino, balse in bulshada ay gaarsiiyaan waa talaabo aad u wanaagsan, waana soo dhaweyneynaa in la dhiiri geliyo dadka wax bartay” ayuu yiri Cumar Filish oo hadlakiisa ku daray inay sii wadi doonaan taaba gelinta tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.

Guddoomiyaha ayaa tartamayaasha uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay uga qeyb qaateen, isagoo si gaar ah u mahadceliyay tartamayaasha caawa tartanka ku guuleystay ee Buurhakaba oo ka tirsan Gobolka Baay, halka kaalinta labaad ay galeen tartamayaasha degmada Dharkeynley.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo soo xiray tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka ayaa ugu horeyn maamulka Gobolka Banaadir uga mahadceliyay taabo gelinta tartanka, isagoo hambalyo taa la mid ah u diray tartamayasha Degmada Xamar Jajab oo ku guuleystay tartanka iyo Kismaayo oo galay kaalinta labaad.

“Waxaan hambalyo u dirayaa tartamayaasha ka qeyb galay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa tartamayaasha kala galay kaalimaha 1aad, 2aad iyo 3aad oo kala ah Buurhakaba oo tartanka ku guuleysatay, Dharkeynley oo kaalinta 2aad gashay iyo Warta Nabadda oo kaalinta saddexaad soo tiigsatay, oo ka kala tirsan gobollada Baay iyo Benaadir”. ayuu yiri Wasiir Maareeye oo hadalkiisa ku daray “Waxaan  u mahadcelinayaa intii ka qeyb qaadatay iyo intii lahayd fikirka aqoonta lagu tartamayo, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Guddiga tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo maamulka Gobolka Banaadir taabageliyay tartanka”.

Wasiirka ayaa xusay inay aad u wanaagsan in tartamayaasha ay fursad u heleen inay bartaan degmooyinka Gobollada dalka.

“Tartanka waxaa laga faa’iidaa meelaha ay ku liitaaan ardaydeena iyo waxyaabaha ay ku fiicanyihiin, waxaan soo jeedinayaa in cilmibaarista ka soo baxda tartanka loo gudbiyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dalka” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in tartanka ay ka qeyb qaateen dad aqoonyahanno ah oo dalka soo maray, ayna tahay talaabo lagu faano.

“Waxaan bulshada ugu baaqeynaa inay qaataan talooyinka caafimaadka, anigoo ku hadlaya magaca guddiga la dagaallanka cudurka COVID-19, inay si dhab ah u qaataan cudurka oo ay ka taxa daraan waxkasta oo cudurka faafin kara”. Ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya.

Sawir Qaade:- Nuur Saciid Tahliil

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Buurhakaba oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

Guddiga qaran ee ka hortaga Covid-19 oo ka hadlay hoos u dhac ku yimid faafintaanka Karoona

Next Post
Guddiga qaran ee ka hortaga Covid-19 oo ka hadlay hoos u dhac ku yimid faafintaanka Karoona

Guddiga qaran ee ka hortaga Covid-19 oo ka hadlay hoos u dhac ku yimid faafintaanka Karoona

Somali FM Meets Algerian Agriculture Minister to Boost Farming Cooperation

Somali FM Meets Algerian Agriculture Minister to Boost Farming Cooperation

August 11, 2025
0

Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Mr. Abdisalam Abdi Ali, met on Sunday evening (August 10) in Algiers...

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐫𝐚𝐚𝐪 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐮 tegay 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤a

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐫𝐚𝐚𝐪 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐮 tegay 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤a

August 11, 2025
0

Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Mustafa Duhulow ayaa kulan wax ku ool ah la yeeshay Wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha...

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

August 11, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin...

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay xubno katirsana khawaarijta

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay xubno katirsana khawaarijta

August 11, 2025
0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka xukun dil ah waxay ku fulisay Ex Alifle Maxamed Xuseen Buulle iyo Ex Dable...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In