Saturday, January 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowlada Somalia oo ka hadashay go’aanka ICJ ee dib u dhigista dacwadda Badda

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Dowlada Somalia oo ka hadashay go’aanka ICJ ee dib u dhigista dacwadda Badda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

.Dowlada federaalka Somalia ayaa ka hadashay go’aanka ka soo baxay Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ ee ku saabsaneyd in mar kale dib loo dhigay dacwadii badda ee Somalia kala dhaxeysay Kenya,taas oo loo balansanaa bisha soo soo socota ee Juun.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, oo hoggaaminaya guddiga dacwadda u qaabilsan dowladda Federaalka ayaa go’aanka Maxkamada ku tilmaamay wax lala yaabo oo ka fog xaqiiqada.

Related posts

SAWIRRO:CALEEMA-SAARKA MADAXWEYNAHA MAAMULKA WAQOOYI BARI

SAWIRRO:CALEEMA-SAARKA MADAXWEYNAHA MAAMULKA WAQOOYI BARI

January 17, 2026
Munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Waqooyi Bare oo lagu qabanayo Laascaanood

Munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Waqooyi Bare oo lagu qabanayo Laascaanood

January 17, 2026

“Mar walba Soomaaliya dalabkeedu wuxuu ahaa inaan dib u dhigis kale lagu sameynin dacwadda laakiin hadda waxaan ku khasban nahay inaan ku qanacno go’aanka maxkamadda” ayuu yiri RW ku xigeenka Somalia.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay si weyn uga biyo diidaneyd dib u dhigista dacwadda oo kenya ay ku guuleysatay mar kale.

Xanuunka Covid-19 ayaa qeyb ka ah go’aanka dib u dhigista dacwadda badda ,inkastoo codsi ka yimid Kenya dartiis marar badan uu dib u dhac ku yimid kiiskaasi horyaalla Maxakamadda ICJ.

15-ka bisha March ee sanadka dambe ayaa si rasmi ah loo billaabi doonaa dacwaddan, sida ay maxkamaddu caddeysay.

 

Tags: Dowlada Somalia oo ka hadashay go’aanka ICJ ee dib u dhigista dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya
Previous Post

Galmudug oo war kasoo saartay dadka baada siiya argagixisada Al-shabaab

Next Post

Galmudug iyo Puntland oo isku raacay in laga wada shaqeeyo amniga

Next Post
Galmudug iyo Puntland oo isku raacay in laga wada shaqeeyo amniga

Galmudug iyo Puntland oo isku raacay in laga wada shaqeeyo amniga

SAWIRRO:CALEEMA-SAARKA MADAXWEYNAHA MAAMULKA WAQOOYI BARI

SAWIRRO:CALEEMA-SAARKA MADAXWEYNAHA MAAMULKA WAQOOYI BARI

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Munaasabad ballaaran oo si heer qaran ah loo soo agaasimay kana qayb galayaan madaxda ugu sarreysa ee dalka,ayaa maanta...

Munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Waqooyi Bare oo lagu qabanayo Laascaanood

Munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Waqooyi Bare oo lagu qabanayo Laascaanood

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi bari ka qabsoomaya munaasabada caleemo saarka Madaxda dowlad gobolleedka Waqooyi...

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo la kulmay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Turkiga

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo la kulmay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Turkiga

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(TURKY):-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, Mudane Prof. Salim Aliyoow Ibro, ayaa kulan laba geesood ah la...

Dowladda Koonfurta Suudaan oo si weyn u taageertay Dowladda Soomaaliya

Dowladda Koonfurta Suudaan oo si weyn u taageertay Dowladda Soomaaliya

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SOUTH SUDAN):-Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u muujisay taageero buuxda oo ay u hayso mowqifyada Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In