Friday, July 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka oo ka shiray qorshaha dhameeystirka dastuurka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka oo ka shiray qorshaha dhameeystirka dastuurka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta gudoomiyay shir ay ka qeybgaleen dhamaan masuuliyiinta sar-sare ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka oo ku qabsoomay hannaanka muuqaal-shireedka qadka internetka.

Kulanka ayaa intii uu socday looga arinsaday sii ambaqaadidda howlaha ka harsan dhameeytirka dastuurka, waxaana sidoo kale laga dooday qorshe-howleedka lagu dhameeystirayo geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka oo ay horay Wasaaradda iyo labada Guddi si wadajir ah u diyaariyeen.

Related posts

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026

Wasiir Saalax Jaamac oo ugu horeeyn kulanka furay ayaa ka hadlay howlaha taagan oo ay ugu muhiimsanyihiin arrimaha u baahan in xal-siyaasadeed laga gaaro isaga oo sheegay inay udub-dhexaad u yihiin fulinta qorshe-howleedka dhameeystirka dastuurka.

“Sida aad ogtihiin arrimaha masiiriga ah ee u baahan in wadaxaajood-siyaasadeed laga galo ayaa iminka ah horutabinta ugu muhiimsan ee ka mirodhalin karta geedi-socodka lagu dhameystirayo dastuurka, inaga ka wasaarad ahaan waxaanu gelinay dedaal badan in horay loo dhaqaajiyo arrimahaas inaga oo wasaaradaha kala duwan ee dowladda dhexe la yeelanay kulamo-howleedyo si Xukuumadda Federaalka ay aragti mideysan uga yeelato dhameeytirka dastuurka kadibna ay u fududaato in wadaxaajood-siyaasadeed ay ka galaan hogaanka sarre ee dalka” ayuu yiri Wasiir Saalax.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Mudane Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa si wadajir ah waxa ay uga hadleen qaar kamid ah qodobada dastuurka ee u baahan in si degdeg ah xal-siyaasadeed looga gaaro si loogu guuleysto fulinta qorshe-howleedka dhameeystirka dastuurka.

Gebogabadii, Wasiir Saalax oo kulanka soo xiray ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in la dardargelin doono arrimaha wacyigelinta dadweynaha ee arrimaha dastuurka si dadka Soomaaliyeed ay xog badan uga helaan qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay islamarkaana aragtiyadooda uga dhiibtaan.

Previous Post

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska dowlad gobaleedkan Galmudug oo kormeeray Mashaariic hormarineed oo ka socday magaalada Gaalkacyo.

Next Post

Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa Dalka Uganda u fudeysay in dib dalka loogu celiyo “SAWIRRO”

Next Post
Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa Dalka Uganda u fudeysay in dib dalka loogu celiyo “SAWIRRO”

Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa Dalka Uganda u fudeysay in dib dalka loogu celiyo “SAWIRRO”

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta kulan la yeelatay bahda caafimaadka dalka oo isugu jira Hay’addaha caafimaadka dowladda...

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud....

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

July 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

July 23, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In