Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweye Farmaajo oo fogaan arag uga qeyb galay shirka Tallaalka Adduunka oo ay martigelisay UK

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay shir deg-deg ah oo ay yeesheen Madaxda dalalka IGAD “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad ka jeediyey Shirka Tallaalka Aduunka ee 2020 oo qaab fogaan arag ah ay u martigalisay Dowladda Ingiriiska, waxaana shirka guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Boris Johnson.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay inay tahay tallaabo lagu farxo in Soomaaliya ay qeyb ka tahay isbaheysiga arrintan ku howlan.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026

“Sharaf weyn ayay ii tahay inaan ka qeyb galo shirkan fogaan aragga ah ee ku saabsan tallaalka adduunka ee ay martigelisay dowladda UK ee uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Boris Johnson, GAVI waa iskaashi ammaan mudan oo isbaheysi dowlado ah, hay’ado caalami ah, shirkado dowladeed iyo kuwa gaar loo leeyahay, si ay u soo saaraan tallaal looga hortagayo cudurka”.

“Soomaaliya waxa ay ku faraxsantahay inay qeyb ka tahay isbaheysigan tallaalka si loo helo bulsho siman oo bad qabta iyo horumar waara oo ay helaan, kuweena ugu nugul ee adduunka hareeraheeda joogo, kahortagga ayaa mar waliba ka wanaagsan daweynta”. Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha dalka ayaa yiri “Waxaan soo dhaweynayaa oo aan taageerayaa isbaheysiga tallaalka dadaalka ay ugu jiraan inay diiradda saaraan dardargelinta in tallaal loo helo COVID-19, aniga oo ku baaqaya in tallaalka uu noqdo mid la helo karo, gaar ahaan inay heli karaan kuweena aadka ugu nugul”.

Previous Post

Golaha Wasiirrada Oo Meel Mariyay Istaraatiijiyadda La Dagaallanka Musuqmaasuqa Ee 2020-2023

Next Post

Allah ha naxasriiste waxaa xalay muqdisho ku geeriyooday Cabdi Tahliil Warsame

Next Post
Allah ha naxasriiste waxaa xalay muqdisho ku geeriyooday Cabdi Tahliil Warsame

Allah ha naxasriiste waxaa xalay muqdisho ku geeriyooday Cabdi Tahliil Warsame

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa deeq gargaar raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo nugul oo ku nool magaalada...

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026
0

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta amniga...

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
0

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In