Allah ha u naxariistee waxaa qabuuraha iskuul boloosiyo ee Magaalada Muqdisho maanta lagu naasay fanaankii weynaa ee Cabdi tahliil Warsame oo muddo ka badan 15 sano ku xanuunsanayay muqdisho.
Aaska cabdi tahliil warsame ayaa waxaa ka qeyb-galay maareeyaha golaha murtida iyo madadaalada qaranka ,abwaano,fanaaniin iyo ehelada marxuumka.
Cabdiwali Maxamed Jaamac madaxa howl-galka ee hobada waaberi ayaa ka hadalay taarikhda allaha ha naxariistee marxuumka oo ay isla soo shaqeeyeen waxaane uu alle uga baryay in janadiisa ka waraabiyo.
Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ehelada marxuumka ku booqday gurigooda ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid cabdi Tahliil warsame.
Abwaan saciid maxamed xarawi iyo abwaan Cabdirisaaq Axmed Geedi Aaqiro oo labaduba ka tirsan abwaanada Hoobalada waaberi ayaa iyagane ka tacsiyadeeyay geerida marxuumka .
Allah ha naxariistee Cabdi Tahliil warsame ayaa ku dhashay deegaanka wardheer sanadku marku ahaa 1952 waxaana waxbarashada dugsiga sare uu ku qaatay Magaalada baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaana sidoo kale kooxda waaberi uu ku biiray 1971.