Friday, June 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qorshaha Ka falcelinta Fatahaadaha si loo gargaaro boqolaal kun oo Soomaali ah oo ku nool 29 degmo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Qorshaha Ka falcelinta Fatahaadaha si loo gargaaro boqolaal kun oo Soomaali ah oo ku nool 29 degmo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adaha samafalka ee ka howlgala Soomaaliya waxay ku dhawaqeen Qorshaha ka falcelinta fatahaadaha ee Soomaaliya (2020 Somalia Flood Response Plan) oo gacan ku siinaya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyaduba iney ka jawaabaan baahiyaha dad ku dhow 1 milyan oo qof oo ay saameeyeen fatahaado iyo daadad ka dhashay roobkii Guga ee sannadkan.

Laga soo bilaabo bishii Abriil, fatahaadahani waxay sababeen barakac ballaaran, dhimasho, burbur hantiyeed iyo weliba waxyeello soo gaartay kaabayaasha, waxayna saameyn ku yeesheen ilaa 29 degmo oo ka tirsan wadanka. 415,000 oo qof oo ka mid ah 918,667-da qof ee ay saameeyeen fatahaadahani waxay ka barakaceen guryahooda. ugu yaraan 29 qofood ayay dileen roobabkani.

Related posts

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

June 5, 2026
WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

June 3, 2026

Hay’adaha samafalku ayagoo kaashanaaya Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayay sara u qaadeen howlaha gargaarka. Qorshahan ka falcelinta Saameynta fatahaadaha wuxuu ku kacayaa adduun lugu qiyaasay US$59.85 oo lugu howl gelayo muddo saddex bilood ah.

Qaybaha wax looga qaban doono qorshahan waxaa ka mid ah dhanka hoyga, gargaarka aan cunnada ahayn, biyaha/adeegga fayadhowrka ee 400,000 oo qof, waxaa sidoo kale lagu dayac tiri doonaa agabyadii kala duwanaa ee burburku soo gaaray ee ay isticmaali jireen bulshooyinka danyarta ah. Howlahan waxaa ka faa’iideysan doona ilaa 277 kaam. Qorshani wuxuu sidoo kale gargaar cunno oo degdeg ah gaarsiin doonaa ilaa 200,000 oo qof oo ku nool goobaha ay fatahaaduhu saameeyeen halka adeeg caafimaadna ay heli doonaan dad gaaraya ilaa 300,000 oo qof

Ayagoo isticmaalaya wixii ay dhaqaalo heli kareen, hay’adaha samafalku waxay gargaar gaarsiiyeen dad gaaraya 255,000 oo qof oo ku nool goobaha ay fatahaaduhu ka dhaceen. Gurmadka dadkani heleen waxaa ka mid ah cunno, biyo nadiif ah, guryo ku meel gaar ah, nafaqada caruurta iyo daawooyin.

Fatahaadahani waxay dhacayaan waqti Soomaaliya ay herdan kula jirto ayaxii ugu xumaa muddo 25 sano iyo xanuunka Koroona Fayras oo si xowli ah u faafaya; sidaas darteed arrintani waxay keentay halis sadexgeesood ah.

Previous Post

AUN: Fanaankii weynaa Cabdi Tahliil oo lagu aasay Magaalda Muqdisho+Sawirro

Next Post

Shirweyne lagu xalinayo colaad beeleedyo ka taagnaa galbeedka Gobolka Mudug oo lagu qabtay Bandiiradleey“SAWIRRO”

Next Post
Shirweyne lagu xalinayo colaad beeleedyo ka taagnaa galbeedka Gobolka Mudug oo lagu qabtay Bandiiradleey“SAWIRRO”

Shirweyne lagu xalinayo colaad beeleedyo ka taagnaa galbeedka Gobolka Mudug oo lagu qabtay Bandiiradleey“SAWIRRO”

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

June 5, 2026
0

Tianjin, Shiinaha – Magaalada Tianjin ayaa maanta loo aqoonsan yahay mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha, ganacsiga...

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

June 3, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo ka kala dhacay deegaannada Masaajid...

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In