Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qorshaha Ka falcelinta Fatahaadaha si loo gargaaro boqolaal kun oo Soomaali ah oo ku nool 29 degmo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Qorshaha Ka falcelinta Fatahaadaha si loo gargaaro boqolaal kun oo Soomaali ah oo ku nool 29 degmo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hayโ€™adaha samafalka ee ka howlgala Soomaaliya waxay ku dhawaqeen Qorshaha ka falcelinta fatahaadaha ee Soomaaliya (2020 Somalia Flood Response Plan) oo gacan ku siinaya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyaduba iney ka jawaabaan baahiyaha dad ku dhow 1 milyan oo qof oo ay saameeyeen fatahaado iyo daadad ka dhashay roobkii Guga ee sannadkan.

Laga soo bilaabo bishii Abriil, fatahaadahani waxay sababeen barakac ballaaran, dhimasho, burbur hantiyeed iyo weliba waxyeello soo gaartay kaabayaasha, waxayna saameyn ku yeesheen ilaa 29 degmo oo ka tirsan wadanka. 415,000 oo qof oo ka mid ah 918,667-da qof ee ay saameeyeen fatahaadahani waxay ka barakaceen guryahooda. ugu yaraan 29 qofood ayay dileen roobabkani.

Related posts

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

October 13, 2025
Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025

Hayโ€™adaha samafalku ayagoo kaashanaaya Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayay sara u qaadeen howlaha gargaarka. Qorshahan ka falcelinta Saameynta fatahaadaha wuxuu ku kacayaa adduun lugu qiyaasay US$59.85 oo lugu howl gelayo muddo saddex bilood ah.

Qaybaha wax looga qaban doono qorshahan waxaa ka mid ah dhanka hoyga, gargaarka aan cunnada ahayn, biyaha/adeegga fayadhowrka ee 400,000 oo qof, waxaa sidoo kale lagu dayac tiri doonaa agabyadii kala duwanaa ee burburku soo gaaray ee ay isticmaali jireen bulshooyinka danyarta ah. Howlahan waxaa ka faaโ€™iideysan doona ilaa 277 kaam. Qorshani wuxuu sidoo kale gargaar cunno oo degdeg ah gaarsiin doonaa ilaa 200,000 oo qof oo ku nool goobaha ay fatahaaduhu saameeyeen halka adeeg caafimaadna ay heli doonaan dad gaaraya ilaa 300,000 oo qof

Ayagoo isticmaalaya wixii ay dhaqaalo heli kareen, hayโ€™adaha samafalku waxay gargaar gaarsiiyeen dad gaaraya 255,000 oo qof oo ku nool goobaha ay fatahaaduhu ka dhaceen. Gurmadka dadkani heleen waxaa ka mid ah cunno, biyo nadiif ah, guryo ku meel gaar ah, nafaqada caruurta iyo daawooyin.

Fatahaadahani waxay dhacayaan waqti Soomaaliya ay herdan kula jirto ayaxii ugu xumaa muddo 25 sano iyo xanuunka Koroona Fayras oo si xowli ah u faafaya; sidaas darteed arrintani waxay keentay halis sadexgeesood ah.

Previous Post

AUN: Fanaankii weynaa Cabdi Tahliil oo lagu aasay Magaalda Muqdisho+Sawirro

Next Post

Shirweyne lagu xalinayo colaad beeleedyo ka taagnaa galbeedka Gobolka Mudug oo lagu qabtay Bandiiradleeyโ€œSAWIRROโ€

Next Post
Shirweyne lagu xalinayo colaad beeleedyo ka taagnaa galbeedka Gobolka Mudug oo lagu qabtay Bandiiradleeyโ€œSAWIRROโ€

Shirweyne lagu xalinayo colaad beeleedyo ka taagnaa galbeedka Gobolka Mudug oo lagu qabtay Bandiiradleeyโ€œSAWIRROโ€

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

October 13, 2025
0

Hayโ€™adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Yeman, Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed, ayaa magaalada Cadan kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga ee...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

October 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan...

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In