Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray xarunta Baadi qabadka Dowladda Hooseย ee Xamar.
Duqa Muqdisho ayaa waxaa xarunta kusoo dhaweeyay Taliyaha ciidanka ilaalada degaanka Xamar, wuxuuna ku wareejiyay laba gaari oo loogu tala galay xarunta si ay ugu fududaato howlahooda shaqo.
Xaruntan ayaa ah mid loogu talagalay in lagu xareeyo xoolaha magaalada dhex daaqeysa, si loo ilaaliyo bilicda caasimadda dalka.