Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Oo khudbad Ka Jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha Bulshada Ee Jaamacadda Carabta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiir Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Oo khudbad Ka Jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha Bulshada Ee Jaamacadda Carabta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiq Xirsi Warfa ayaa maanta khudbad ka jeediyay kullan deg deg ah oo aalada Fogaan-Aragga ay ku yeesheen Wasiirrada Arrimaha Bulshada ee waddamada Jaamacadda Carabta.

Kullankan ayaa diiradda lagu saaray saameynta ay kala kulmeen waddamada Jaamacadda Carabta caabuqa COVID-19, iyadoo khudbad la xiriira saamaynta dhaqaale iyo bulshada ee Soomaaliya ay cudurka kala kulantay uu jeediyay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

“Shirka waxaan ku soo bandhignay dedaallada Dowladda ee ka hortagga fayruska iyo sida uu saameyn ugu yeeshay bulshada iyo dhaqaalaha dalka. Waxay dowlad ahaan nagu ammaaneen hannaanka aan kala hortagnay COVID-19.” ayuu yiri Wasiir Sadiq.

“Dal ahaan wali xannuunka wuu taaganyahay, balse si la arki karo ayay dowladda usoo bandhigtay qorshe ka hortag, waxaana la dhimay canshuurta dhammaan agabyada qusul daruuriga ah”.ayuu Wasiirka hadalkiisa ku daray..

Kullanka oo warmurtiyeed laga soo saaray, ayaa la sheegay kaddib markii Wasiirrada ay dood dheer yeesheen in la isku raacay sidii lagu gaari lahaa qorshe waara oo wadajir ah si dhaqso ahna uga jawaabaya COVID-19 iyo xannuunada faafa, iyadoo taageerro la siinayo waddamada u nugul colaadaha iyo dhibaatooyinka Dhaqaale.

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka Oo Xaqiijisay In 19 Qof Oo Cusub Ay Ka Bogsoodeen Feyruska Karoona

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post
Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In