Monday, November 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dib u dhiska garoonka kubadda Cagta ee Muqdisho

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dib u dhiska garoonka kubadda Cagta ee Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dib u dhiska Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho ayaa faray Xukuumadda in ay sii dhammeystirto qorshaha dib u soo celinta Tuulada Ciyaaraha oo muhiim u ah soo nooleynta tartannada ciyaaraha kala duwan ee dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa laaday kubadda dib loogu furayo Garoonka oo sanaddo kaddib martigeliyey Ciyaaraha Heerka Koowaad ee Soomaaliya, waxa uuna kulan dhexmaray kooxda Horseed ee Ciidamada Xoogga dalka iyo Kooxda Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Related posts

Wasiirka Beeraha XFS oo Nairobi ka daah-furay Bandhigga Ganacsiga 25-aad ee EAC

Wasiirka Beeraha XFS oo Nairobi ka daah-furay Bandhigga Ganacsiga 25-aad ee EAC

November 9, 2025
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Dhismaha Xarun Cusub Ka Xarig Jaray Baraawe

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Dhismaha Xarun Cusub Ka Xarig Jaray Baraawe

November 9, 2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugnaa Garoonka waxa uu qiimeyn ku sameeyey qeybaha kala duwan ee uu kooban yahay, isaga oo wakhti la qaatay dhallinyarada loo carbinayo qeybta ciyaaraha miiska, warbixinna ka dhageystay Wasiirka Dhallinyarada iyo CIyaaraha XFS Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la kulmay qaar ka mid ah halyeeyadii hore ee ciyaaraha dalkeenna oo lagu martiqaaday kulankii dib loogu furayay Garoonka, taas oo muujineysa maamuuska iyo tixgalinta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u hayaan halyeeyada baalka dahabka ah kaga jira sooyaalka ciyaaraha dalkeenna.

Munaasabaddan waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Kuxigeenadiisa, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Guddoonka Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya, qaar ka mid ah halyeeyadii hore ee soo matalay ciyaaraha kala duwan ee Qaranka iyo Isxilqaameyaasha Olalaha Dib u dhiska dalka.

Tags: Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah xarigga uga jaray Garoonka Ciyaaraha Muqdisho oo dib u dhis lagu sameeyey
Previous Post

Golaha Shacabka oo Maanta Ansixiyay Xeerka Deegaameynta Kuraasta Aqalka sare iyo Golaha Shacabka+Sawirro

Next Post

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo shaacisay Xilliga uu Bilaabanayo Imtixaanka Shaadiga ee Gobolka Banaadir

Next Post
Wasaaradda Waxbarashada XFS oo shaacisay Xilliga uu Bilaabanayo Imtixaanka Shaadiga ee Gobolka Banaadir

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo shaacisay Xilliga uu Bilaabanayo Imtixaanka Shaadiga ee Gobolka Banaadir

Wasiirka Beeraha XFS oo Nairobi ka daah-furay Bandhigga Ganacsiga 25-aad ee EAC

Wasiirka Beeraha XFS oo Nairobi ka daah-furay Bandhigga Ganacsiga 25-aad ee EAC

November 9, 2025
0

Wasiirka Beeraha XFS ayaa Magaalada Nairobi ka daah-furay Bandhigga Ganacsiga 25-aad ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Dhismaha Xarun Cusub Ka Xarig Jaray Baraawe

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Dhismaha Xarun Cusub Ka Xarig Jaray Baraawe

November 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BARAAWE):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta gaaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose,...

Guddiga Arrimaha Gudaha Iyo Dib-U-Heshiisiinta Arrimaha Federaalka Oo Kulan Su’aalo Waydiin Ah Layeeshay Qaar Kamid Ah Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Guddiga Arrimaha Gudaha Iyo Dib-U-Heshiisiinta Arrimaha Federaalka Oo Kulan Su’aalo Waydiin Ah Layeeshay Qaar Kamid Ah Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha

November 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib-u-Heshiisiinta, Arrimaha Federaalka iyo Xiriirka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskooda ugu...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Baaq Ka Soo Saartay Dilal Iyo Beegsi Ka Dhacay Dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Baaq Ka Soo Saartay Dilal Iyo Beegsi Ka Dhacay Dalka

November 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa baaq nabadeed kasoo saartay, Dilalka iyo Beegsiga ka baxsan Diinta Islaamka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In