Monday, December 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabado lagu xusayay 1-da Luulyo oo ka dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Goldogob+SAWIRRO

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
Munaasabado lagu xusayay 1-da Luulyo oo ka dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Goldogob+SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadda xuska 60 guuradii kasoo wareegtay markii Goballada koofureed xuroobeen oo xalay lagu qabtay dagmada Goldogob ee gobalka Mudug ayaa waxaa Ka qeyb galay xildhibaano Ka tirsan labada gole ee baarlamaanka dalka wasiiro iyo xildhibaano Ka tirsan dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Galmudug, waxgarad, siyaasiyiin iyo bulshada qeybahooda kala duwan ee ku nool dagmada Goldogob.

Senatar Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid ayaa ka hadlay iyo masuuliyiin ka tirsan kuwa dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Galmudug waxayna ka sheekeeyeen halgankii dheeraa ee loo Soo maray xornimada, iyagoona ku booriyay dhallinyarada maanta in ay Hormuud u noqdaan nidaamka dowladnimo ee dalku ku talaabsaday

Related posts

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025

Dhanka kale Munaasabad lagu maamuusayay xuska 60 guuradii kasoo wareegtay maalintii ay xuroobeen goballada koofureed iyo  midowgii labada gobal ee Waqooyi iyo koofur oo ay soo agaasimeen maamulka dagmada galkacyo ee Galmudug ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamed Axmed oo munaasabadda ka hadlay ayaa xusay in maanta ay tahay maalin farxadeed loona baahan yahay in lagu xasuusto halgamayaashii naftooda iyo maalkooda u huray xornimada dalka, isagoona ka dhawaajiyay in ay tilmaam fiican oo ku dayasho mudan ay yihiin jiilka maanta nool.

Munaasabadda oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin iyo qeybaha bulshada ayaa waxaa khudbado ka jeediyay qaar ka kida odayaasha dhaqanka kuwaas oo sharaxaad buuxda ka bixiyay halgankii xornimo doonka iyo guusha la gaaray taas oo ay xuseen in maanta aynu harsaneyno waxaana sidoo kale ay ugu baaqeen dhallinyarada in ay noqdaan kuwa hormuud u ah hannaanka dowladnimo ee dib usoo noolaanayo.

Previous Post

Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka dhulka oo kormeeray xeryaha ciidamada ee Shabeellaha hoose+SAWIRRO

Next Post

Guddiga Madaxa bannaan oo diiwaangeliyay xisbiyo kumeel gaar ah+SAWIRRO

Next Post
Guddiga Madaxa bannaan oo diiwaangeliyay xisbiyo kumeel gaar ah+SAWIRRO

Guddiga Madaxa bannaan oo diiwaangeliyay xisbiyo kumeel gaar ah+SAWIRRO

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

December 15, 2025
0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In