Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeenta ayaa kulan lagu dardargelinayo shaqada Olalaha Isxilqan la qaatey howlwadeennada olaha isxilqaan, kaasi oo u jeedkiisu ahaa in la dar dargeliyo barnaamijkan lagu dhisayo xarumaha danta guud ee dalka.
Ismaaciil Macalin Cabdullaahi Isuduwaha Ololaha is xilqaan ayaa Wasaradda uga mahadceliyay xog wareeysiga ay la qaadatay, isla markaana ay sii labo jibaarayaan ololaha Isxilqaan ee la doonayo in markale lagu dhiso xarumaha danta guud ee ku bur buray colaadihii dalka ka dhigay.
Wasaaradda Howlaha Guud ayaa kalin ku leh sidii loo sii dhaqaajin lahaa in lasii wado howlaha isxilqaan.
Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeenta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cali Adaan Hoosoow oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Ololaha Isxilqaan aysan ku ekaan doonin caasimadda oo kaliya, isla markaana ay ka hirgelin doonaan qaar ka mid ah Gobollada dalka, si dib loogu dhiso xarumaha danta guud.
Nadiijada Isxilqaan Dalkaaga ku dhisa waxaa ka soo baxay muuqaalo qurxoon oo lagu dhisay xarumo Danta Guud oo ay ugu horeyso Tiyaatarka Qaranka, Madxafka iyo xarumo kale.