Kormeerkaan oo ahaa mid Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo ee Galmudug Xirsi Yuusuf Barre oo ay wehliyeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, Waxgarad iyo aqoonyahanno ay ugu kuur galayeen baahiyada dhanka adeegyada bulshada ee ka jirta deegaannada hoostaga Galkacyo ayaa gaaray deegaanka Qoora Sayn oo ka mida deegaanada dhaca dhinaca koonfur galbeed ee magaalada Galkacyo, halkaasi oo ay ka jiraan dhamaan baahiyo la xariira dhanka adeegyada bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada
Mas’uuliyiinta oo markii ay deegaankaasi gaareen si weyn loogu soo dhaweeyay ayaa kulan iswareysi ah la qaatay Maamulka iyo qeybaha bulshada deegaanka Qoora Sayn, kuwaasi oo ka hadlay baahiyada dhanka adeegyada bulshada oo ay xuseen in ay bilaabeen qaarkood hirgalintooda Maamulkana ay ka codsanayaan dhameystirkooda.
Isu Duwaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ee Gobalka Mudug Cabdi Maxamuud Xirsi ayaa tilmaamay inay gacan ka geysanayaan dib u dhiska xarumaha loogu adeegayo bulshada.
Duqa Degmada Galkacyo Xirsi Yuusuf Barre ayaa bogaadiyay isku tashiga ay sameeyeen bulshada deegaankaasi isagoo sheegay in ka Maaamul ahaan ay kaalin mug leh ka qaadan doonaan wax ka qabashada baahiyada aas aaska u ah nolasha aadanaha.
Guddoomiyaha Guddiga Arimaha Bulshada Baarlamaanka Galmudug Yoonis Maxamed Shaare ayaa sheegay inay ka jawaabi doonan baahida ka jirta deegaanka.
Ugu danbey waxaa halkaasi ay mas’uuliyiintu uga dhagax dhigeen dhismaha xarumaha Waxbarashada, Caafimaadka iyo xarunta bulshada kuwaas oo dhismahooda la bilaabay.