Monday, July 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay Geeriddii ku timid Marxuum Xasan Abshir Faarax

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay Geeriddii ku timid Marxuum Xasan Abshir Faarax
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Abshir Faarax oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Marxuumku u adeegayay dalkeenna, taas oo muujineysa hammiga iyo himilada uu u qabay Soomaaliya horumarsan, mideysan oo la jaan qaadi karta dalalka kale ee caalamka.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026

“Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Abshir waxa uu baal dahab ah kaga jiraa sooyaalka dalkeenna, isaga oo soo noqday Ra’iisul Wasaarihii Dowladdii Kumeel gaarka ahayd ee Carta, Duqii hore ee Caasimadda, Danjire soo matalay dalka  iyo xilal kale oo uu ugu soo adeegay dalkeenna iyo shacabka Soomaaliyeed si hufan, waddaniyad iyo daacadnimo leh”.

Sidoo kale, Madaxwynaha ayaa tilmaamay doorkii Marxuum Xasan Abshir Faarax uu ka soo qaatay dadaalladii dowlad dhisidda iyo dib u heshiisiinta dalka.

“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa aan idinla wadaagayaa tacsidan tiiraanyada leh. Marxuum Xasan Abshir oo aan ku xasuusan doonno doorkii wanaagsanaa ee uu ka qaatay dowladnimada, horumarka dalka iyo sida hufanaanta leh ee uu ugu adeegay shacabkiisa.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

DHAMMAAD

Tags: Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay Geeriddii Marxuum Xasan Abshir Faarax
Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo Ka Tacsiyadeeyey Geeridi Ku Timid Ra,isalwasaarihi Hore Xassan Abshir Faarax

Next Post

Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir oo kormeeray xarumaha ay ka socdaan Imtixaanaadka fasalka 8-aad+Sawirro

Next Post
Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir oo kormeeray xarumaha ay ka socdaan Imtixaanaadka fasalka 8-aad+Sawirro

Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir oo kormeeray xarumaha ay ka socdaan Imtixaanaadka fasalka 8-aad+Sawirro

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee...

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026
0

Qaar ka mid ah gabdhaha saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiirigelin iyo hambalyo ah u sameeyay Caaliya Maxamed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya,...

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

July 12, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u soo gebageboobay Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026, oo socday muddadii u dhexeysay 1-da Juun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In