Friday, January 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergooyinka ka qeyb galay shirka wada tashiga ah ee ka socday Dhuusamareeb oo kulan casuumaad ah loogu sameeyay Guriceel “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ergooyinka ka qeyb galay shirka wada tashiga ah ee ka socday Dhuusamareeb oo kulan casuumaad ah loogu sameeyay Guriceel “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Howlaha Guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Soomaaliya Mudane Axmed Nuur Sheekh Maxamed (Mashruuc) ayaa sheegay in wafdiga ka socday dowlad Goboleedyada ee ku sugnaa maalmahan Degmada Dhuumasamareeb marti qaad loogu sameeyay magaalada Guriceel.

Mudane Maxamed Nuur Sheekh Maxamed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in maamulka Guriceel ay ergooyinka ka qeyb galay shirka Dhuusamareeb qado sharaf ugu sameeyeen beer ku taalo duleedka magaalada Guriceel, isagoo intaa ku daray in ergooyinka ay isugu jiraan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

January 15, 2026

Wasiirka Howlaha Guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Soomaaliya Mudane Axmed Nuur Sheekh Maxamed (Mashruuc) ayaa sheegay in sidoo kale uu Wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug Axmed Dhiblaawe casho sharaf u sameeyay Wasiirada Howlaha Guud ee dowlad goboleedyada, kaasi oo ujeedkiisu ahaa inay ku kala war qaataan mashaariicda dib u dhiska ee la doonayo in laga hirgeliyo xarumaha Dowlad Goboleedyada.

Wasiirka Howlaha Guud ee Koonfur Galbeed ayaa tilmamay in uu jiro shirweyne ay isugu imaanayaan dhamaan Wasiirada Howlaha Guud ee dowlad Goboleedyada, kaasi oo dhawaan ka furmi doono magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed.

“11-ka bishan ayaan ku balansaneyn in aan shir isugu imaano magaalada Baydhabo balse uu dib nooga dhacay, waxaana rajeynaynaa inaan goor dhaw qabano shirkaas oo aan uga arrinsaneyno dib u dhiska dalka” ayuu yiri Mudane Maxamed.

Mudane Maxamed Nuur Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Galmudug ay kala kulmeen soo dhaweyn walaaltinimo oo aad u sareyso, isagoo intaa ku daray inay ku guuleysteen xaqiijinta amniga qaar ka mid ah deegaannada Galmudug oo iminka ay wafuudda ku marayaan safar dhulka ah.

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka oo sheegtay in Shahaadada baarista COVID-19 laga qaadan karo oo keli ah, Sheybaarka Dhexe

Next Post

Wafuud Ka Tirsan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Oo Lagu Casuumay Caabudwaaq “SAWIRRO”

Next Post
Wafuud Ka Tirsan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Oo Lagu Casuumay Caabudwaaq “SAWIRRO”

Wafuud Ka Tirsan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Oo Lagu Casuumay Caabudwaaq “SAWIRRO”

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan...

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

January 15, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahab Cabdi Cumar (Cananuug), oo la hadlay Warbaahinta Qaran...

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

January 15, 2026
0

Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune ayaa qaabilay Faarax Sheikh Cabdulqaadir Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ahna Wasiirka Waxbarashada XFS, kaasoo farriin...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

January 15, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kormeer ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In