Sunday, June 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiradda Qorsheynta Dowladda Dhexe iyo Dowlad-Goboleedyada oo ku shiray Dhuusamareeb+sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Wasiiradda Qorsheynta Dowladda Dhexe iyo Dowlad-Goboleedyada oo ku shiray Dhuusamareeb+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta iyo hormarimta dhaqaalaha dalka Amb Gamal Mohamed Xasan ayaa  guddoomiyay shirka golaha hormarinta qaranka kaasi oo ay ku mideysanyihiin Wasiiradda qorsheynta dowlad goboleedyada iyo wasiirka qorsheynta qaranka oo ay marti galisay wasaaradda Qorsheynta Galmudug, waxaana Shirka goobjoog ka ahaa wasiiradda Qorsheynta dowladd Gobaleeedyada iyo madaxda Wasaaraddaha.

Shirka ayaa looga hadlay dar-dargalinta  qorshaha horumarinta qaranka, Xoojinta wada shaqeynta wadaaradaha, mashruuca fulinta mashruuca ILED  iyo fulinta unukyada muhiimka ah ee dalka muhiimada u leh, Sida wax ka qabashada abaaraha, fataahadaha iyo xal u helinta barakacayaasha.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka  Suudaan ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

June 28, 2026
Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

June 28, 2026

Shirka ka horeeyay ayaa ka qabsoomay magaalada muqdisho kaasi oo lagu ansaxiyay qorshaha horimarinta qaranka diyaarintiisa oo dowladda Soomaaliya wadatashigiisa soo waday muddo Sanad ah kaai oo si ballaaran wadatashi lagala yeeshay ummadda Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka.

Wasiirka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Amb. Gamal Mohamed Hassan oo furay shirka ayaa soo dhaweeyay wasiirada Qorsheynta Galmudug iyo Hirshabeele oo ah labo qof oo dhawaan loo magacaabay xiliga.

Sidoo Wasiir jamaal ayaa bogaadiyay dadaallada Shaqada socota oo ay ka mid tahay fulinta qorshaha horumarinta qaranka, fulinta ILED, isla markaana In xoogga la saaro wax ka wada qabashada arrimaha fataahadaha oo qabyo ka mid ah Koonfur galbeed ka dhacday.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan isugu nimaano kulaan waxaana loo baahanyahay inaan inaan iska kaashanayo sidii aan wax uga qaban laheyn marxalada adag ee haatan ka taaganyahay Golaha shabeellaha dhexe iyo shabeellaha Hoose gaar ahaan Afgooye oo ka barakaceen inta badan qoysaskii ku noolaa” ayuu yiri wasiir jamaal Maxamed Xasan.

Golaha hormarinta qaranka waa mid ay sedexdii bil ay mar isugu yimaadaan Wasiirada qorsheynta dowlad goboleedyada iyo wasiirka qorsheynta dowladda dhexe waxaa Shirka Gabagabadiisa laysla qaatay Xoojinta tiirarka qorsheysan oo mihiimka u ah dalka sidoo kale waa kii ugu horeeyay oo ay yeeshaan tan iyo markii cudurka safmarka ah ee covid-19 dalka soo galay

Tags: Wasiiradda Qorsheynta Dowladda Dhexe iyo Dowlad-Goboleedyada oo ku shisay Dhuusamareeb+sawirro
Previous Post

Daawo: Sawirradda Saraakiil ka Tirsan Xoogga Dalka oo Tababar loo soo Xeray

Next Post

Sawirro: Ra’iisul Wasaare Khayre oo bulshada Dhuusamareeb la caweeyay

Next Post
Sawirro: Ra’iisul Wasaare Khayre oo bulshada Dhuusamareeb la caweeyay

Sawirro: Ra'iisul Wasaare Khayre oo bulshada Dhuusamareeb la caweeyay

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka  Suudaan ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

June 28, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta...

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

June 28, 2026
0

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka ayaa maanta kormeer ku tegay Xerada Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho. Guddiga ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Itoobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Itoobiya

June 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku gaaray, magaalada Addis...

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

June 28, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Burkina Faso, Danjire Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Macdanta iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In