Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka oo maanta si rasmi ah ula wareegay Degmada Kuntuwaareey ee Gobolka Shaeelaha Hoose ayaa xoog ku soo furtay carruur fara badan oo ay argagixisada Al-Shabaab si qasab ah uga soo kaxeysteen dadkooda, kuwaasi oo ay ku shubayeen fikradaha qaldan.
Ciidamada Danab ayaa markii ay la wareegeen Degmada Kuntuwaareey waxa ay halkaasi ku dileen maleeshiyaad iyo afar horjooga kuwaasi oo kala ahaa
1- Maxamuud Axmed Gaboobe Raage (Daariq)
2- Qaalid Cumar Sariix oo argagixisada Al-Shbaaab u qaabilsanaa Madaxa Maaliyadda Kuntuwaareey
3- Muxsin Sheekh Cali oo maleeshiyada u qaabilsanaa Maxkamadda Kuntuwaareey iyo degaanada hoos yimaada oo uu ku ridi jiray xukuno sharci darro ah oo dadka rayidka ah looga qaadan jiray lacago baad ah iyo horjoogaha afaraad oo magaciisa lagu soo koobay Saalaxudiin oo argagixisada u qaabilsanaa dhanka maleeshiyaadka ka howlgasha Kuntuwaareey.
Intaas kaddib ciidanka ayaa waxa ay halkasi ka sameeyeen howlgallo qorsheysan oo ay amniga ku xaqiijinayaan, iyagoo guri guri u baaraya xaafadaha kala duwan ee degmada Kuntuwaareey, waxaana ciidanka Danab ay xabsi ku yaalla Kuntuwaareey kasii daayey dad Shacab ah oo Kooxda Al-Shabaab u xirnaa.
Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa idaacadda Codka Ciidamada Qalabka sida u sheegay in ciidamada ay howlgallo ka wadaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Kuntuwaarey, iyaggoo ku raad jooga baxsadka maleeshiyaadka Al-Shabaab ee laga itaalka roonaaday.
Ciidanka ayaa goob fagaaro ah kula kulmay qeybaha bulshada ee degmada Kuntuwaareey, kuwaasi oo si aad ah u soo dhaweeyay ciidamada maanta markale dib ula wareegay Kuntuwaareey oo ay argagixisada Al-Shabaab dadka ku dhibaateyn jireen.
Xaquuqda Sawirrada: Idaacadda Codka Ciimada Qalabka Sida