Saturday, May 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso: Nuxurka Safarkii Wasiir Ku-Xigeenka Gargaarka Xfs Ee Garowe

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Akhriso: Nuxurka Safarkii Wasiir Ku-Xigeenka Gargaarka Xfs Ee Garowe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa agab loogu tala galay xarunta ka digista halis-wadareedka ku wareejisay Hey’adda Gargaarka iyo Maareyta Musiibooyinka Dowladd-Gobaleedka Puntland

Agabkan oo loogu tala-galay in lagu qalabeeyo xarunta ka digista halisaha ayaa waxaa iska kaashaday Hey’adda Wasaaradda Gargaarka, WFP iyo mu’asaasadda King Salman ee Boqortooyada Sacuudiga

Related posts

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

May 2, 2026
Soomaaliya oo gashay wejiga tijaabada ee Nidaamka Xisaab-xirka iyo Lacag-bixinta Gaadiidka Cirka

Soomaaliya oo gashay wejiga tijaabada ee Nidaamka Xisaab-xirka iyo Lacag-bixinta Gaadiidka Cirka

May 2, 2026

Munaasabadda wareejinta agab-xafiiseedka ayaa ka dhacday xafiiska Hey’adda gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee  Dowlad-Gobaleedka Puntland ee HADMA.

Wafdi ka socday Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka uuna hoggaainaya Wasiir kuxigeenka Wasaaradda ayaa Masuuliyiinta HADMA Ku wareejiyay Qalabka xarunta.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooylinka DFS Xildh. Cabdirashiid Maxmuud Xasan ayaa si rasmi ah agabka ugu wareejiyay maareeyaha hey’adda HADMA Md Cabudullahi Cabdiraxman Ceeroow.

Ugu horreyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS  oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay in Wasaaradda ku faraxsantahay in ay agabka keento Garowe si loo dhiso sarena loogu qaado awoodda-waxqabad hey’adda HADMA ee dhinaca Maareynta Musiibooyinka.

“Farxad weyn ay noo tahay in aan maanta soo gaarno Garoowe, Waxaan halkan u nimid si aan qalab loogu talagalay dhismaha xarunta ka digista halis-wadareedka aan ka dhisno Puntland si ay xarunta ugu adeegto shacabka iyo dowladda Puntland.”

Maareeyaha hey’adda Gargaarka iy oMaareynta Musiibooyinka Dowladda Puntland ayaa u ga mahadceliyay Wasaaradda Gargaarka dadaalka ay ku bixineyso xoojinta iyo dhisidda hey’adaha ka shaqeeya maareynta Musiibooyinka ee heer Dowlad-Gobal

Wuxuu sheegay in keenista agabkan uu ku soo aaday xilli hey’adda HADMA u qabtay baahi weyn in ay hesho agab wax ka tari kara kobcinta awoodda HADMA ee dhinaca saadaalinta, la socodka iyo ka jawaabidda halisaha iyo Musiibooyinka.

Dhinaca kale Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa sheegay in Dowladd Soomaaliya ku dadaalayso sidii loo xoojin lahaa loona qalabayn lahaa hey’adaha iyo Wasaaradaha Gargaarka ee Dowlad-Gobaleedyada si ay awood ugu yeeshaan gudahashada waajibkooda.

Wasiirka wuxuu sheegay in Wasaaradda Gargaarka ay xoogga saareyso in la dhiso hey’adaha heer gobal maadaama ay iyaga saarantahay masuuliyadda dadka ku nool Goballada iyo degmooyinka dalka

“Si loo yareeyo saameynta Musiibooyinka ku yeeshaan bulshooyinka, loona xoojiyo kartida hey’adaha ka shaqeeya Maareynta Musiibooyinka ee ka jawaabidda halisyada, waxaa waajib ah in la sameeyo nidaamka ay hey’adahan ku saadaalin karaan, la socon karaan halisyada iyaga oo ka faa’iideysanaya aqoonta casriga ah iyo dadaalka isu-duwis oo ay waddo Wasaaradda Gargaark aiy Maareynta Musiibooyinka.”, ayuu yir Xidh. Cabdirashiid Maxamuud Xasan, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.

Wasiir kuxigeenka ayaa u mahadceliyay dhinacyada Dowladda Soomaaliya ka gacan siiyay sidii loo qalabeyn ahaa xarumaha ka digista halis-wadareedka ee heer Qaran iyo Heer Dowlad-Gobaleedba

Wasiirka ayaa u mahadceliyay HADMA soo dhaweynta ay wafidiga xukuumadda ku soo dhaweeyay oo looogu talagalau xarunta ka digista halis-wadareedka.

Tags: Akhriso: Nuxurka Safarkii Wasiir Ku-Xigeenka Gargaarka Xfs Ee Garowe
Previous Post

Ururka Dalxiiska Adduunka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timid Agaasimihii Dalxiiska Cabdirisaaq Cabdullaahi

Next Post

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Amniga oo kulan Deg-Deg ah ka yeeshay Amniga Caasimadda+Sawirro

Next Post
Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Amniga oo kulan Deg-Deg ah ka yeeshay Amniga Caasimadda+Sawirro

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Amniga oo kulan Deg-Deg ah ka yeeshay Amniga Caasimadda+Sawirro

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

May 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga, Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cismaan, ayaa kormeer shaqo ku...

Soomaaliya oo gashay wejiga tijaabada ee Nidaamka Xisaab-xirka iyo Lacag-bixinta Gaadiidka Cirka

Soomaaliya oo gashay wejiga tijaabada ee Nidaamka Xisaab-xirka iyo Lacag-bixinta Gaadiidka Cirka

May 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuux, ayaa si rasmi ah u shaaciyay in...

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

May 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Dowladda Soomaaliya Sh. Mukhtaar Roobow Cali ayaa oo Daahfuray Duulimaadyadii ugu horreeyay ee Xujeyda...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 1st May, 2026

May 1, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 1st May, 2026   1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a dinner...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In