Sunday, July 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso: Nuxurka Safarkii Wasiir Ku-Xigeenka Gargaarka Xfs Ee Garowe

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
August 18, 2020
in Wararka
0
Akhriso: Nuxurka Safarkii Wasiir Ku-Xigeenka Gargaarka Xfs Ee Garowe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa agab loogu tala galay xarunta ka digista halis-wadareedka ku wareejisay Hey’adda Gargaarka iyo Maareyta Musiibooyinka Dowladd-Gobaleedka Puntland

Agabkan oo loogu tala-galay in lagu qalabeeyo xarunta ka digista halisaha ayaa waxaa iska kaashaday Hey’adda Wasaaradda Gargaarka, WFP iyo mu’asaasadda King Salman ee Boqortooyada Sacuudiga

Related posts

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo ka warbixiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobollada dalka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo ka warbixiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobollada dalka

July 20, 2025
Wasaaradda Waxbarashada XFS oo goobo waxbarasho ka dhagax-dhigtay gobolka Gedo

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo goobo waxbarasho ka dhagax-dhigtay gobolka Gedo

July 20, 2025

Munaasabadda wareejinta agab-xafiiseedka ayaa ka dhacday xafiiska Hey’adda gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee  Dowlad-Gobaleedka Puntland ee HADMA.

Wafdi ka socday Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka uuna hoggaainaya Wasiir kuxigeenka Wasaaradda ayaa Masuuliyiinta HADMA Ku wareejiyay Qalabka xarunta.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooylinka DFS Xildh. Cabdirashiid Maxmuud Xasan ayaa si rasmi ah agabka ugu wareejiyay maareeyaha hey’adda HADMA Md Cabudullahi Cabdiraxman Ceeroow.

Ugu horreyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS  oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay in Wasaaradda ku faraxsantahay in ay agabka keento Garowe si loo dhiso sarena loogu qaado awoodda-waxqabad hey’adda HADMA ee dhinaca Maareynta Musiibooyinka.

“Farxad weyn ay noo tahay in aan maanta soo gaarno Garoowe, Waxaan halkan u nimid si aan qalab loogu talagalay dhismaha xarunta ka digista halis-wadareedka aan ka dhisno Puntland si ay xarunta ugu adeegto shacabka iyo dowladda Puntland.”

Maareeyaha hey’adda Gargaarka iy oMaareynta Musiibooyinka Dowladda Puntland ayaa u ga mahadceliyay Wasaaradda Gargaarka dadaalka ay ku bixineyso xoojinta iyo dhisidda hey’adaha ka shaqeeya maareynta Musiibooyinka ee heer Dowlad-Gobal

Wuxuu sheegay in keenista agabkan uu ku soo aaday xilli hey’adda HADMA u qabtay baahi weyn in ay hesho agab wax ka tari kara kobcinta awoodda HADMA ee dhinaca saadaalinta, la socodka iyo ka jawaabidda halisaha iyo Musiibooyinka.

Dhinaca kale Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa sheegay in Dowladd Soomaaliya ku dadaalayso sidii loo xoojin lahaa loona qalabayn lahaa hey’adaha iyo Wasaaradaha Gargaarka ee Dowlad-Gobaleedyada si ay awood ugu yeeshaan gudahashada waajibkooda.

Wasiirka wuxuu sheegay in Wasaaradda Gargaarka ay xoogga saareyso in la dhiso hey’adaha heer gobal maadaama ay iyaga saarantahay masuuliyadda dadka ku nool Goballada iyo degmooyinka dalka

“Si loo yareeyo saameynta Musiibooyinka ku yeeshaan bulshooyinka, loona xoojiyo kartida hey’adaha ka shaqeeya Maareynta Musiibooyinka ee ka jawaabidda halisyada, waxaa waajib ah in la sameeyo nidaamka ay hey’adahan ku saadaalin karaan, la socon karaan halisyada iyaga oo ka faa’iideysanaya aqoonta casriga ah iyo dadaalka isu-duwis oo ay waddo Wasaaradda Gargaark aiy Maareynta Musiibooyinka.”, ayuu yir Xidh. Cabdirashiid Maxamuud Xasan, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.

Wasiir kuxigeenka ayaa u mahadceliyay dhinacyada Dowladda Soomaaliya ka gacan siiyay sidii loo qalabeyn ahaa xarumaha ka digista halis-wadareedka ee heer Qaran iyo Heer Dowlad-Gobaleedba

Wasiirka ayaa u mahadceliyay HADMA soo dhaweynta ay wafidiga xukuumadda ku soo dhaweeyay oo looogu talagalau xarunta ka digista halis-wadareedka.

Tags: Akhriso: Nuxurka Safarkii Wasiir Ku-Xigeenka Gargaarka Xfs Ee Garowe
Previous Post

Ururka Dalxiiska Adduunka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timid Agaasimihii Dalxiiska Cabdirisaaq Cabdullaahi

Next Post

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Amniga oo kulan Deg-Deg ah ka yeeshay Amniga Caasimadda+Sawirro

Next Post
Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Amniga oo kulan Deg-Deg ah ka yeeshay Amniga Caasimadda+Sawirro

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Amniga oo kulan Deg-Deg ah ka yeeshay Amniga Caasimadda+Sawirro

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo ka warbixiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobollada dalka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo ka warbixiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobollada dalka

July 20, 2025
0

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Macalin ayaa ka warbixinyay howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha Xaq u...

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo goobo waxbarasho ka dhagax-dhigtay gobolka Gedo

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo goobo waxbarasho ka dhagax-dhigtay gobolka Gedo

July 20, 2025
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Ducaal, ayaa si rasmi ah uga dhagax-dhigay...

Dowladda Soomaaliya oo puntland ugu baaqday in ay joojiso colaadda ka taagan Dhahar

Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska xabbad-joojinta ee ay wada gaareen Dowladda DRC iyo kooxda hubeysan ee M23

July 20, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay heshiis xabad-joojin ah oo dhexmaray DRC Congo iyo kooxda hubeysan ee M23. War-saxaafadeed ka...

Laanta hay’adda NIRA ee Hirshabelle oo si rasmi ah loo daahfuray

Laanta hay’adda NIRA ee Hirshabelle oo si rasmi ah loo daahfuray

July 20, 2025
0

Caasimada Dowladda Hirshabeelle ee Jowhar ayaa galabta lagu qabtay munaasabadda furitaanka laanta Hay’adda NIRA ee Dowladda Goboleedka Hirshabeelle. Munaasabadda waxaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In