Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka ammaanka oo gacanta ku soo dhigay dad lagu tuhmayo iney ka dambeeyeen qaraxii garoonka Laqanyo

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Ciidanka ammaanka oo gacanta ku soo dhigay dad lagu tuhmayo iney ka dambeeyeen qaraxii garoonka Laqanyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada ammaanka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay ku soo qabteen dad lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen qarax khasaaro geystay oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay magaaladaas.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa la dhigay afaafka hore ee garoonka kubbada cagta Laqanyo, waxaana qaraxaasi ku geeriyooday laba askari oo ka tirsan Booliska Hir-Shabeelle.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadda gobolka Hiiraan Abuukar Cali Maadeey oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay qaraxa, isagoo sheegay in argagaxisadu beegsaneyso goobaha ay shacabku isugu yimaadaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay wadaan howlgallo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay qaraxa, wuxuuna xusay in ay gacanta ku soo dhigeen dad looga shakisanyahay in ay ka dambeeyeen qaraxa, baaritaana ay ku wadaan.

Maleeshiyada Al-shabaab oo ay ku socdaan howlgallo looga dhabar jarayo meelaha ay dalka ka joogaan ayaa caadeysatay in ay beegsadaan goobaha ay shacabku isugu yimaadaan, kaddib markii ay u babac dhigi waayeen ciidanka xoogga dalka.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Dadaallo lagu xirayo goobaha uu ka fataho webiga Shabeelle ee Beledweyne oo socda.+Sawirro

Next Post
Dadaallo lagu xirayo goobaha uu ka fataho webiga Shabeelle ee Beledweyne oo socda.+Sawirro

Dadaallo lagu xirayo goobaha uu ka fataho webiga Shabeelle ee Beledweyne oo socda.+Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In