Guddiga maaliyadda,miisaaniyadda,qQorshaynta iyo La- Xisaabtanka Hay’addaha dowladda ee Golaha Shacabka ayaa maanta oo ay Taariikhdeedu tahay 25/08/2020 waxay kulan Kula yeesheen Xarunta Guddiyadda ee Villa-Hargeisa Sii Hayaha Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Jamaal Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Waaxda Xalka Waara.
Kulankaa oo Ajandihiisu ahaa Xeerka Hayβaddaha aan Dowliga aheyn iyo doorashada Xog-hayaha Guudiga Maaliyadda
Kulanka Waxaa Shir-gudoominaayey Ku-simaha guddoomiyaha guddiga miisaaniyada, maaliyadda Xildh Aamina Sheekh Cusmaan,
Sii hayaha wasiirka wasaaradda qorsheynta Xildhinaa Β Jamaal Maxamed Xassan waxaana uu warbixin kooban ka siiyey Xeerka Hayβaddaha aan dowliga aheyn ahmiyada uu u lee yahay Dalka.
Ugu-danbeyn guddiga ayaa u doortay Xildhibaano CabdiXakiin Macalin Axmed maalin inuu noqdo Xog-hayaha guddiga maaliyadda ee golaha Shacabka.






















