Friday, August 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War Saxaafadeed – Faafinta Warbixinta Maamulka Maaliyadda Ee 2020

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiir Beyle Oo Hambalyo U Diray Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Oo Markale Xilkaas Loo Doortay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ahna Gudoomiyaha Guddiga Maamulka Maaliyadda Dr. Cabdirahman Ducaale Beyle ayaa soo gudbiyay warbixinta afaraad ee Maamulka Maaliyadda.

Warbixintu waxay qiimeyneysaa horumarada ay ku talaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xoojinta maamulka maaliyadda intii u dhexeysay Luuliyo 2019 ilaa iyo Juun 2020. Sidoo kale waxay soo bandhigeysaa ahmiyadaha maamulka maaliyadda ee uu Guddiga Maamulka Maaliyadda aaminsan yahay inay u baahan yihiin in wax laga qabto sanadaha soo socda si loo xoojiyo dadaalada dowlad dhisidda iyo si looga faa’iideysto guusha laga gaaray deyn cafinta.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026

Warbxinta Maamulka Maaliyadda ee 2020 waxaa lagu soo kordhiyay cutub si gaar ah diiradda u saaraya mid ka mid ah arrimaha maamulka maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ujeeddada cutubkaan ayaa ah in si qoto dheer looga hadlo mowduuca la soo xulay iyadoo si faahfaahsan loo qeexayo xaaladda haatan jirta iyo in la eego wax ka baxsan waqtiga halka sano ee warbixinta caadiga ah, si looga barto casharo, loona ogaado caqabadaha joogtada ah ee hortaagan horumarka iyo dib-u-habeynta lagama maarmaanka ah. Arrinta ay warbixinta 2020 diiradda saareyso waa iibka guud iyo qandaraasyada oo ah arrin aad muhiimad gaar ugu lah guddiga tan iyo intii aasaasay 2014 ki.

Qodobada ugu muhiimsan ee warbixinta 2020 waxaa ka mid ah horumarka laga gaaray soo bandhigidda heshiisyada iyo qandaraasyada guud, ururinta iyo maamulka dakhliga, maareynta maaliyadda iyo kharashaadka guud, iyo abaabulka taageerada Hay’adda Caalamiga ah ee Maaliyadeed.

Sido kale warbixnta 2020 waxay soo bandhigeysaa afar arrimood oo oo u baahan mudnaan dheeri ah la siiyo laba iyo tobanka bilood ee soo socda: In la aasaaso, la xoojiyo, lana dhiso awooda hay’adaha kormeerka si ay u qabtaan hawlaha iibka guud iyo qandaraasyada; In la dhiso wacyiga saamileyda ee sharciga iibka guud; In la dhiso khibrad farsamo iyo awooda loogu talagalay hoggaaminta, ama kaqeyb qaadashada hannaanada iibka guud; iyo in la joogteeyo kobcinta xeerarka iibka guud iyo qandaraasyada.

Muddo xileedka Guddiga Maamulka Maaliyadda waxaa u ku egyahay Juun 2021. Waqti u kordhinta guddiga waxaa ku xirnaan doontaa heshiis u dhexeeya xukuumadda iyo beesha caalamka.

 

Previous Post

Mudanaayasha Golaha Shacabka BJFS Ayaa Ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Qareenada Soomaliyeed

Next Post

Wasiiro Iyo Xildhibaanno Ka Qeybgalay Munaasabad Uu Guddoomiyaha Gobolka Ku Daahfurayay Ololaha Talaalka Jadeecada “SAWIRRO”

Next Post
Wasiiro Iyo Xildhibaanno Ka Qeybgalay Munaasabad Uu Guddoomiyaha Gobolka Ku Daahfurayay Ololaha Talaalka Jadeecada “SAWIRRO”

Wasiiro Iyo Xildhibaanno Ka Qeybgalay Munaasabad Uu Guddoomiyaha Gobolka Ku Daahfurayay Ololaha Talaalka Jadeecada “SAWIRRO”

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In