Xayawaanku waa noole Allah subxaanahu watacaalaa ku abuuray dunida daafaheeda,waxay u baahan yahiin daryeel guud iyo mid gaar ahaaneed,sidokale waxa ay ubaahan yahiin nolosha bini adamka mid la midaย maxaa yeelay bini aadamka waa xanuunsada,gaajoodaa,haraadaa(oomaa) xayawaankuna waa la mid oo intaba waa uu dareemaaa.
Xayawaaanka waxa ay u kala baxaan duur-joog iyo dab-joog oo macnaheedu yahay kuwa ku nool miyiga iyo kuwa nool magaalada,marka loo fiiriyo dalkaย Soomaaaliya waxa uu ka mid yahay dalalka sida aad-ka ah ay u joogaan.
Xayawaanadka la nool dadka Soomaaliyeed ee magaalo jooga ah waxaa ka mid ah Bisadda iyo Eyga, waxaa ayna ku noolyahiin nolol adag,waxey leeyahiin faaโiidooyin aysan leheen kuwa kale .
Waa maxay xuquuqda xayawaanka?
Xuquuqda xayawaanaadkan ay deegaanka kaga baahan yihiin waa ay fara badan tahay waxaana ka mid ah inย la siiyo cunto ay ku noolaadan,in biyo lasiiyo,in aan la dilin oo si nabad ahย u noolaadan iyo marka ay xanuunsadaan la daryeelo.
Balse taasi badalkeeda qaar kamid ah dadkeenna Soomaaliyeed ma ahan kuwa fahamsan xuquuqda xayawaanaadka la nool, waxa ayna kala kulmaan dhibaatooyinย aad u daran.
Naxariis la,aanta!
Inkastoo ay jiraan dad yar oo xanaaneeyo labadaan xayawaan haddane bulshada badan-keedu ma ahan kuwa u naxariista xayawaanaadkaanย in ay xanaaneeyaan, iskaba dhaafe noloshooda ayeey mararka qaar qatar galiyaan xilliga ay raadsanayaan qutul-yoomkooda.
Dhibaatada ay la kulmaan xayawaakani:
โ biyaha wasaqda ah oo lagu shubo.
โ in la burbursada ayadoo baahi heyso ama la dilo
โ Inta lasoo qabto lagu ciciyaaaro.
Sidoo kale xayawaanka Eygaย ayaa isna dhibaato intaa ka weyn ku qaba dadka, marka uu habeenkii raadsado wixii uu cuni lahaa oo uu waaga ku baryo inta uusan helin cunadiiย uu ku noolaan lahaaa ayeey ciyaalkuย markaย ay arkaan waxa ay la dhacaan tuuryoย iyo bursasho, mararka qaarna hareera waddooyinka waxaa ku jiiro(dardaro) gawaarid.
Faa’iidooyinka ay leeyahiin labadaan xayawaan:
Eyga waaย xayawaankaย ย ugu caqliga badan marka laga reebo bini’aadamka waxaana looga faaโiideysan dhanka amniga haddii loo tababaro,sidoo kale Bisadda waxaa ay faaโiido u leedahay guryaha waxa ayna ka ilaalin kartaa xayawaanaadka yar yar sida dooliga.
Haddaba akhriste xayawaankani waxa uu leeyahay xaquuqda aad adigu leedahay mid la mida sidaas darteed haddii aaddan waxba teri Karin, ha dhibaateyn.
Qore: Shukri Maxamuud Maxamed












