Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Garoonka Diyaaradaha Xudur Oo Ay Weli Ka Socoto Howlo Dib Loogu Habeynayo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Garoonka Diyaaradaha Xudur Oo Ay Weli Ka Socoto Howlo Dib Loogu Habeynayo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Degmada Xudur iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa olole isxil-qaan ah oo lagu xaqiijinayo bilicda iyo badqabka diyaaradaha duulimaadyada sameeya ka wada garoonka diyaarada ee Degmada Xudur.

Howlahaan isxilqaanka ah ee ka socda garoonka diyaaradaha Degmada Xudur oo maalintii sedexaad galaya waxa si wada jir ah uga qeyb qaadanaya maamulka Degmada Xudur ee Gobolka, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Wakiilada shirkadaha diyaaradaha iyo bulshada reer Xudur oo ku deeqay qalabka la isticmaalayo.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Garoonka waxa laga aruurinayaa dhagxaan waa weyn oo diyaaradaha xamuulka qaada ay cabasho ka keeneen isticmaalkiisa, waxana socda dardar gelin ku aadan in aysan hakad gelin adeega bulshada ee isticmaalka diyaaradaha garoonka Xudur.

Wakiilka shirkada diyaarada Salaama Cali Karyare ayaa sheegey in shaqo badan oo laga qabtay garoonka uu ku rajo weyn yahay in diyaaradaha sidii caadiga aheyd u isticmaali karaan.

“Qalabka lagu hagaajinayo garoonka ma ahan makiinado iyo qalabkii loogu tala galay ee waa agab bulshada ku deegday oo dadka murug maalka ah ay isticmaalaan”. Ayuu yiri Caoli Karyare.

Maareeyaha Garoonka Degmada Xudur Cabdullaahi Aadan ayaa bulshada ugu baaqay in ay kala qeyb qaataan ololaha isxilqaanka ah ee dib loogu habeynayo garoonka diyaaradaha magaalada Xudur.

Bulshada magaalada Xudur ayaa u arka shaqada ka socta garoonka diyaaradaha in ay tahay howlo aad muhiim u ah, Agaasimaha Madaxtooyada Degmada Xudur ee Gobolka Bakool Cumar Cabdullaahi Atuu ayaa bulshada ku amaanay sida ay uga qeyb qaadanayaan howlaha isxilqaan ee lagu dhisayo goobaha danta guud ee bulshada loogu adeego.

“Waxaa kala xiran wadooyinka soo gala Gobolka Bakool iyo kuwa isku xira Degmooyinka, garoonka diyaaradaha waa wadada keliya ee u furan degmada Xudur ee Gobolka Bakool hadii diyaaradaha ay ku degi waayaan waa caqabad horleh oo soo wajahday bulshada Gobolka, waa hadii si dhaqso ah wax looga qaban waayo garoonka”.ayuu yiri Cumar Cabdullaahi

Previous Post

Shir looga hadlayay qoondada haweenka ee golaha deegaanka oo lagu qabtay Gaalkacyo+Sawirro

Next Post

Wasaaradda Waxbarashada Oo Qorsheyneyso Dhismaha Xarun Cusub “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Waxbarashada Oo Qorsheyneyso Dhismaha Xarun Cusub “SAWIRRO”

Wasaaradda Waxbarashada Oo Qorsheyneyso Dhismaha Xarun Cusub “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In