Wednesday, September 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed Oo Wadatashi Looga Hadlayey Qabyo-Qoraalka Sharciga Naafada Ku Soo Gabagabaysay Magaalada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed Oo Wadatashi Looga Hadlayey Qabyo-Qoraalka Sharciga Naafada Ku Soo Gabagabaysay Magaalada Dhuusamareeb “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo muddo sadax maalmood ah ka socanayey magaalada Dhuusamareeb ayaa la soo gabagabeeyey waxa uuna ku saabsanaa wadatashiga qabya qoraalka Sharciga Naafada Soomaaliyeed, maantana looga hadlayey Wada-tashiga iyo Wacyigalinta Xuquuqda Naafada, waxaana soo qabanqaabiyey Golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed iyadoo ay ka soo qaybgaleen Dadka baahiyaha Gaarka ah qaba, Xildhibaanno, Wasiiro, Maamulka magaalada Dhuusamareeb iyo xubno ka socday Golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba ee magaalada Cabdi Jiirow Dhudi oo ugu horayn ka hadlay madasha ayaa xusay in wax laga qabto tabashooyinkooda ayna soo dhowaynayaan sharcigan qabya-qoraalka ah sidii loo dhameystiri lahaa.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026

Sayid Cali Cabdullaahi Guddoomiyaha Golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay ina dadka Naafada ah ay Xuquuq ku leeyihiin Qaranka, ayna magaalada Samo reeb ku arkeen inaysan Dadkani lahayn xarun ugaar ah.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb Cabdi Xaashi Caroole ayaa xusay in maamulka magaalada Samo reeb uu caawin doono dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba.

Ugu dambayn waxaa kulanka ka hadashay Xildhibaan Canab Maxamed Cosoble oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug waxa ayna xustay in Dadkan Xaruntii ay lahaayeen si dhaqso ah loo hirgeliyo.

Dadka baahiyaha Gaarka ah qaba ee Deegaannada Galmudug waxa ay samaysteen Guddiyo ay ku midaysan yihiin, kuwaasi oo u dooda, kana shaqeysa sidii ay ku heli lahaayeen xaquuqdooda aas aasiga ah.

Previous Post

Maamulka Degmada Xudur Oo Dhagax Dhigay Ceel Laga Hirgelinayo Magaalada “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Madaxda Dowlad Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Madaxda Dowlad Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Madaxda Dowlad Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir “SAWIRRO”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒  𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

September 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In