Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jubbaland oo ka qeyb galay aaska Guddoomiyihii rugta ganacsiga Jubbaland+SAWIRRO

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Jubbaland oo ka qeyb galay aaska Guddoomiyihii rugta ganacsiga Jubbaland+SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qayb galay aaska Allaha u naxariistee, guddoomiyihii rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland marxuum Shaafi Raabi Kaahin oo maanta lagu aasay magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa qoyskii,shacabka Jubbaland,iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida marxuumka wuxuuna Alle uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Madaxweynaha oo Warbaahinta  kula hadlay goobta Aaska ayaa sheegay in dhagarta Argagixisada ay tahay mid mudan in laga wada qayb qaato sidii looga hortegi lahaa, isagoo sheegay in qof masaajid illahay kasoo baxay in la dilo ay tahay mid uu  Ciqaabtiisa dhadhamin doono qofkii falkaas gaystey.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa intaas ku daray in Shacabka iyo masuuliyiinta ay u Siman yihiin maleeshiyada Al-Shabaab isagoo tusaale usoo qaatay goob ay dadweyne ku shaahayeen magaalada Muqdisho oo maalmo kahor uu isku qarxiyay naftii halige ka tirsan argagaxisada.

Madaxweynaha ayaa Shacabka reer Jubbaland iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo dagaalka Argagixisada si loo xaqiiiyo himilada Shacabka Soomaaliyeed ee ah inay Nabad iyo xasilooni ku noolaadan.

Aaska ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweyne ku xigeennada Jubbaland,Guddoonka golaha Wakiillada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Previous Post

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo daah-furay hirgelinta mashruuca Soolar-ka+SAWIRRO

Next Post

Dab xooggan oo ka kacay xaafadda Hilaac ee magaalada Boosaaso

Next Post
Dab xooggan oo ka kacay xaafadda Hilaac ee magaalada Boosaaso

Dab xooggan oo ka kacay xaafadda Hilaac ee magaalada Boosaaso

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In