Saturday, December 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Waxbarashada Galmudug Oo Xariga Ka Jaray Dugsi Sare Oo Laga Hirgeliyay Dhabad “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Waxbarashada Galmudug Oo Xariga Ka Jaray Dugsi Sare Oo Laga Hirgeliyay Dhabad “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiro ka tirsan dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta howlo shaqo u tegay deegaanka Dhabad ee Degmada Caabudwaaq, halkaasi oo ay ka hirgeliyeen mashaariic horumarineed oo wax loogu qabanayo bulshada deegaanka.

Wasiirka Waxbarashada Galmudug mudane Maxamed Xaashi Dhowre ayaa sheegay in socdaalka ay ku tegeen Dhabad ay ku wehlinayeen Wasiirro dhawr ah oo ay ka midyihiin Wasiirka Caafimaadka Dr. Cabdiwelli Jaamac, Wasiirka Ganacsiga Cabdiladif, Wasiirka Amniga Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Waayeel iyo Masuuliyiin kale oo farabadan oo ay Xildhibaanno ku jiraan.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Dooxa ee Siyaasadda iyo Amniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Dooxa ee Siyaasadda iyo Amniga

December 5, 2025
Wasaaradda Kalluumeysiga oo xoogga saareysa kor u qaadiska dhaqaalaha Buluuga ah

Wasaaradda Kalluumeysiga oo xoogga saareysa kor u qaadiska dhaqaalaha Buluuga ah

December 5, 2025

Mudane Maxamed Xaashi Dhowre oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay in uu xariga ka jaray dugsiga sare ee Dhabad, kaasi oo wax badan ka tari doono baahiyaha waxbarasho ee deegaanka ka jirta, maadaama ardayda dugsiyada sare ay kolkii hore aadi jireen Degmada Caabudwaaq, balse haatan ay arrintaas ka maarmi doonaan.

“Waxaan xariga ka jaray dugsiga Sare ee Dhabad, sidoo kalena waxaan sheedda sare ka soo eegay iskuulka Hoose Dhexe ee Alla Aamin oo goorta aan tegayay aan la joogin, balse ay arday dhigtaan”. Ayuu yiri Wasiir Maxamed Xaashi.

Wasiirka Waxbarashada Galmudug ayaa xusay in Wasaaraddu ay ka shaqeyneyso sare u qaadidda tayada waxbarasho ee deegaannada Galmudug, isagoo amaan u jeediyay ardayda wax ka barata xarumaha Waxbarashada Galmudug.

Previous Post

WAR-MURTIYEED: Shirka Wadatashiga Doorashooyinka iyo Dhammeystirka Heshiisyadii Samareeb 1-3

Next Post

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Soo Xiray Shirka Doorashooyinka Iyo Dhammeystirka Heshiisyadii Samareeb 1-3 “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Soo Xiray Shirka Doorashooyinka Iyo Dhammeystirka Heshiisyadii Samareeb 1-3 “SAWIRRO”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Soo Xiray Shirka Doorashooyinka Iyo Dhammeystirka Heshiisyadii Samareeb 1-3 “SAWIRRO”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Dooxa ee Siyaasadda iyo Amniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Dooxa ee Siyaasadda iyo Amniga

December 5, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo...

Wasaaradda Kalluumeysiga oo xoogga saareysa kor u qaadiska dhaqaalaha Buluuga ah

Wasaaradda Kalluumeysiga oo xoogga saareysa kor u qaadiska dhaqaalaha Buluuga ah

December 5, 2025
0

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee XFS Cali Ifiye Cali ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray shir...

Wasiirka Awqafta XF S oo ka warbixiyay doorka culimada ee dowlad dhiska iyo nabadeynta dadka

Wasiirka Awqafta XF S oo ka warbixiyay doorka culimada ee dowlad dhiska iyo nabadeynta dadka

December 5, 2025
0

Wasiirka Awqafta iyo Arrimaha Islaamka XF S Mudane Sheekh Muqtaar Rooboow oo ka hadlay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay...

Wasiirka Beeraha XFS“Dhowaan waxaan soo bandhigi doonaa cagaf-cagafyo qiimo ahaan aad u jaban iyo qalab kale”

Wasiirka Beeraha XFS“Dhowaan waxaan soo bandhigi doonaa cagaf-cagafyo qiimo ahaan aad u jaban iyo qalab kale”

December 5, 2025
0

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye oo qabtay dood cilmiyeed ay ka qeybgaleen qaar kamid ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In