Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabay Wasiirka Koowaad Ee Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabay Wasiirka Koowaad Ee Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si waafaqsan qodobka 90-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah waxa uu magacaabay Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii Golaha Shacabku ay kala laabteen kalsoonida Xukuumaddii hore 25-kii bisha Luuliyo 2020.

Related posts

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026

Madaxweynaha oo la-tashiyo badan ka sameeyey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 17ka Sebteembar 2020, Xeer Madaxweyne ku magacaabay Mudane Maxamed Xuseen Rooble xilka Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku soo xushay aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida uu u leeyahay inuu sii ambaqaado dadaallada dowlad dhiska iyo horumarinta qorsheyaasha Qaran.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Raiisul Wasaare Rooble In uu deg-deg ku soo dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka horseedda in ay ka dhaqan geilso doorasho , dadaal muuqdana gelisa sidii loo xoojin lahaa guulaha laga gaaray amniga, dib u dhiska Ciidamada Qalabka sida, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, baahinta adeegyada aas-aasiga ah, kamiro dhalinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo musuqmaasuqa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku adkeeyey shacabka Soomaliyeed, hayโ€™adaha Dowladda iyo indheer garadka dalka in ay ku garab istaagaan Raiisul Wasaaraha cusub gudashada waajibaadka Dastuuriga ah ee horyaalla, isaga oo ugu duceeyey in uu ka soo dhalaalo masuuliyadda adag ee ku aaddan u adeegidda dalka iyo dadka.

Previous Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Lagu Dilay Jowhar

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Hambalyo udiray Ra’isulwasaaraha Cusub ee XFS

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Hambalyo udiray Ra’isulwasaaraha Cusub ee XFS

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Hambalyo udiray Ra'isulwasaaraha Cusub ee XFS

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay shacabka soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Xildhibaanada Labada Aqal...

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Siyaaasi Axmed Saafi oo ka mid ah siyaasiyiinta ayaa soo dhaweeyay meel mrinta Dastuurka Qaranka ee ay Mudanyaasha labada Aqal...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay afur wadareed loo sameeyay carruurta agoonta Qaranka

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay afur wadareed loo sameeyay carruurta agoonta Qaranka

March 4, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay kulan affur wadareed loo sameeyay carruurta...

๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š  ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ oo  ๐Ÿ“๐ŸŽ ๐๐จ๐จ๐ฒ๐š๐๐จ๐จ๐ ๐จ๐จ ๐๐ข๐ฒ๐จ ๐š๐ก ๐†๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ƒ๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐๐š๐ฅ๐ช๐š๐ฅ๐จ๐จ๐œ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ƒ๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐Š๐š ๐ƒ๐ก๐š๐œ๐๐š๐ฒ ๐ƒ๐ก๐ข๐ฆ๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ฅ๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ญ๐š ๐๐ข๐ฒ๐จ ๐‹๐šโ€™๐š๐šn

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, kuna guda jira maalintii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In