Monday, August 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saddex qof oo laga soo badbaadiyay diyaarad ku dhacday garoonak Aadan Cadde

admin by admin
September 19, 2020
in Wararka
0
Saddex qof oo laga soo badbaadiyay diyaarad ku dhacday garoonak Aadan Cadde
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Diyaarad nuuca xamuulka qaada ah oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradda ayaa magaalada Baladweyne u qaaday xamuul, balse waxay dib ugu laabatay Muqdisho, markii cilladi soo wajahday, waxaana saarnaa illaa afar qof.

Related posts

Guulaha dowladdu ay  ka gaartay la dagaallanka maaliyadeed ee argagixisada (Faallo)

Guulaha dowladdu ay ka gaartay la dagaallanka maaliyadeed ee argagixisada (Faallo)

August 4, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka Itoobiya

August 4, 2025

Sii-hayaha wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in diyaaradda oo ah mid xamuul ah cillad ku timid kaddib ay dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho burburna uu kasoo gaaray qeybta hore kaddib markii ay ku dhacday derbi shub ah oo xayndaabka garoonka ah.

Wasiirka ayaa tilmaamay in diyaaradda ay la socdeen afar qof oo ahaa shaqaalaha diyaaradda kuwaas oo isugu jira Soomaali iyo ajaanib, isagoo sheegay in ay soo badbaadiyeen saddex qof oo dhaawac uu soo gaaray, halka qofka kale oo weli noolna ay wadaan dadaallo lagu soo badbaadinayo.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in dadka dhaawacu soo gaaray loo qaaday isbitaal si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad.

Dhanka kale wasiirka ayaa sheegay in muddo kooban hakad la geliyay shaqada garoonka si arrintaan looga jawaabo waxyar kaddibna dib loo furi doono adeegyada garoonka Aadan Cadde.

Previous Post

Degmada Dharkeynley oo laga daah-furay goobo loogu tala-galay dalxiiska+SAWIRRO

Next Post

Turkiga oo beeniyey eedayn uga timid QM oo ku aaddan xad-gudubyo ka dhacay Suuriya.

Next Post
Turkiga oo beeniyey eedayn uga timid QM oo ku aaddan xad-gudubyo ka dhacay Suuriya.

Turkiga oo beeniyey eedayn uga timid QM oo ku aaddan xad-gudubyo ka dhacay Suuriya.

Guulaha dowladdu ay  ka gaartay la dagaallanka maaliyadeed ee argagixisada (Faallo)

Somalia’s Financial War Against Al-Shabaab: Key Achievements and Strategic Milestones (2022–2025)

August 4, 2025
0

Somalia has long confronted the persistent threat of Al-Shabaab, a militant group that emerged from the remnants of the Islamic...

Guulaha dowladdu ay  ka gaartay la dagaallanka maaliyadeed ee argagixisada (Faallo)

Guulaha dowladdu ay ka gaartay la dagaallanka maaliyadeed ee argagixisada (Faallo)

August 4, 2025
0

Soomaaliya waxay muddo dheer wajahaysaa khatar joogto ah oo ka imaanaysa Al-Shabaab – koox xag-jir ah oo soo if-baxday horaantii...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka Itoobiya

August 4, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo kaga...

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha oo Maxkamadda Gobolka Banaadir horgeeyay eedeysane loo heysto maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqista

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha oo Maxkamadda Gobolka Banaadir horgeeyay eedeysane loo heysto maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqista

August 4, 2025
0

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir horgeeyay eedeysane Ramadaan Caydaruus Cali, kaasi oo loo heysto dambiyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In