Wabiga Shabeelle ayaa fatahaado ka sameeyay deegaanno iyo tuulooyin hor leh oo hoos taga Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo bur buriyay dalagyadii beeraha ka soo go’ilahaa iyo bakaarahii dadku ay badarka ku keydsanayeen, iyagoo codsaday in kaalmo beni’aadanimo lala soo gaaro.
Shacabka ku nool deegaannadan ayaa waxa ay ka barakacayaan tuulooyinkii ay deganaayeen, maadaama uu saameyn xoogan ku yeeshay bulshada fatahaadda webiga, iyadoo ay soo food saartay xaalad adag oo dhinaca nolosha ah iyo cuduro ka dhashay fatahaadda Wabiga Shabeelle
Malaaq Cabdullaahi Suleymaan Cumar oo ka mid ah waxgaradka Degmada Wanlaweyn oo ka hadlay dhbaatooyinka ka dhashay fatahaadda Wabiga Shabeelle ayaa tilmaamay in bulshada deegaannadaas ku nool ay soo wajahday xaalad adag oo xagga nolosha ah, isagoo baaq u diray maamulka Koonfur Galbeed iyo shacabka Soomaaliyeed inay u gurmadaan dadka ka barakacay tuulooyinka hoostaga Degmada Wanlaweyn.
Mudooyinkan ayaa waxaa soconayay dadaalo kala duwan oo wax looga qabanayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha Wabiga Shabeelle.