Friday, October 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Turkiga oo sharci daro ku tilmaamay xayiraadda la saaray shirkad Turkiga laga leeyahay

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Turkiga oo sharci daro ku tilmaamay xayiraadda la saaray shirkad Turkiga laga leeyahay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Turkiga ayaa maanta  sheegay in cunaqabateynta midowga Yurub saareen shirkad Turki ah oo lagu eedeeyay in ay ku xadgudubtay xayiraadda hubka ee dalka Libya ay tahay mid labo u jeedo leh isla markaana caddaalad aheyn.

Shalay ayaa midowga Yurub waxaa ay xayireen dhaqaalaha shirkadda maraakiibta ee Avrasya, taas oo lagu eedeeyay in markab Cirkin ee shirkadaas uu ku lug lahaa isku dhacii dhex maray labada dal ee NATO ka wada tirsan Turkiga iyo France bishii June ee sanadkan.

Related posts

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

October 10, 2025
Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

October 10, 2025

Midowga Yurub waxaa uu ku eedeeyay shirkaddan in ay si dhuulaameysi ah hub ku gelisay Libya, Ankara ayaa dafirtay eedahaas waxayna ku doodaysaa in Markabka uusan sidin hub ee shixnadda saaran ah aheyd mid bani aadanimo.

“Howlgalka Irini ee midowga Yurub wuxuu abaal mariyay Xaftar waxaana uu ciqaabayaa dowladda QM aqoonsan tahay ee Libya,” sidaa waxaa sheegay wasaaradda arrimaha dibadda.

Xukuumadda Ankara ayaa taageerta dowladda Libya ee caalamku aqoonsan yahay ee fadhisa Tripoli, Iyadoo kooxda janaraalka falaagada ah ee Khaliifa Xaftar ee la baxay ciidanka qaranka Libya ay taageeraan dalalka Imaaraadka, Masar iyo Russia.

Xayiraadda la saaray shirakaddan Turkiga laga leeyahay ka sokow waxaa sidoo kale la cunaqabateeyay labo nin oo Libiyaan ah iyo labo shirkadood oo kala ah; Sigma Airlines oo laga leeyahay dalka Kazakhstan iyo Med Wave Shipping oo laga Jordan laga leeyahay.

Turkiga sidoo kale waxaa laga yaabaa in uu wajaho cunaqabateyn kale oo midowga Yurub uga timaada taas oo ku saleysan xiisadda ka taagan bariga badda Mediterranean oo lahaanshaheeda isku hayaan Giriiga iyo Qubrusta Turkiga raacsan.

Tags: Turkiga oo sheegay xayiraada midowga yurub ay saareen shirkad turkiga ah cunaqabateynta hubka ee libya in ay tahay mid caddaalad daro ah.
Previous Post

Soomaaliya oo shir guddoominaysa shirka 75-aad ee golaha guud ee QM+Sawirro

Next Post

Sii hayaha Ra’isulwasaaraha Dalka oo Guddoomiyay Shirka Dowladda iyo Saaxibadda Caalamka.+Sawirro

Next Post
Sii hayaha Ra’isulwasaaraha Dalka oo Guddoomiyay Shirka Dowladda iyo Saaxibadda Caalamka.+Sawirro

Sii hayaha Ra’isulwasaaraha Dalka oo Guddoomiyay Shirka Dowladda iyo Saaxibadda Caalamka.+Sawirro

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

October 10, 2025
0

Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga (TSK) ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2017-kii illaa hadda sii wada Tababarada iyo dhoolatusyada ciidan...

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

October 10, 2025
0

Xukuumadda Israa’iil ayaa ansixisay qorshaha wajiga koowaad ee xabad joojinta Gaza,kaas oo dhigaya in qeybo kamid ah gaza ay Israel...

Adeeg loogu talagalay maareynta gal-dacwadeedyada oo Muqdisho laga hirgaliyay

Adeeg loogu talagalay maareynta gal-dacwadeedyada oo Muqdisho laga hirgaliyay

October 10, 2025
0

Qaar kamid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya Cadaaladda dalka ayaa ka qeybgalay kulan la xiriiray soo bandhigga adeeg dhanka computerka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

October 9, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In