Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-Simaha Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Oo Tababar U Furay Wakiilada Ganacsiga Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Ku-Simaha Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Oo Tababar U Furay Wakiilada Ganacsiga Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku simaha Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Washadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa maanta furay tababar aqoon kororsi ah oo kor looggu qaadayey awoodda shaqo ee Wakiilada Ganacsiga Soomaaliya u qaabilsan dalalka caalamka. Waxaana tobabarkan oo ka qabsoomay habka Muuqaal-Arag ah ee Internet-ka ka soo qeyb-galay mas’uuliyiinta Wasaaradda, Wakiilada Ganacsiga iyo Bangiga Adduunka.

Tababarkan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya iyo hay’adda IFC oo ka tirsan Bangiga Adduunka, ayaa ujeedkiisu ahaa sidii Wakiilada Ganacsiga kor looggu qaadi lahaa heerkooda aqooneed ee la xiriirta horumarinta dhinacyada dhaqaalaha, diblomaasiyadda, shuruucda ganacsiga iyo maal-gashiga. waxaana si gaara looggu tobabaray waxyaabaha muhiimka u ah sidii Wakiiladdaasi ay dalka ugu soo jiidi lahaayeen xiriiro ganacsi iyo sidoo kale inay maal-gashadeyaasha caalamiga ah iyo qurba-joogta Soomaaliyeed ay ugu soo dhiiri-gelin lahaayeen inay dalka Maal-gashadaan.

Related posts

R/W Xamsa “Ciidanka Qalabka Sida waa inay si deg deg ah uga qeybqaataan gurmadka dadka nugul”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Wasiiro cusub

December 13, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay u-qaabilsanaha milatariga ee Safaaradda Talyaaniga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay u-qaabilsanaha milatariga ee Safaaradda Talyaaniga

December 13, 2025

Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo halkaas hadalo ka jeediyey, ayaa sheegay in tobabarkani uu ahmiyad weyn u lee yahay wadanka, waxaana uu Wakiilada ganacsiga uu kula dardaarmay inay mas’uuliyad iska saaraan sidii ay wadanka ugu soo jiidi lahaayeen xiriiro ganacsi iyo weli sidoo kale maal-gashiyo caalami ah maadaama ay yihiin Wakiilada rasmiga ah ee wadanka u qaabilsan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Tababarkan, ayaa wax weyn ka beddeli doona xiriirka Ganacsi ee Soomaaliya ay la leedahay dalalka caalamka sidoo kale kor uqaadidda fahamka ay Wakiilada Ganacsigu ka haystaan dhinacyada Maal-gashiga iyo Ganacsiga iyada oo sidoo kale uu tobabarkani kor-uqaadaayo sidii ay Soomaaliya ay wax-soo-saarkeeda ugu dhoofin lahayd wadamada caalamka.

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Daah Furay Hirgelinta Biyo Mareen Biyaha Ka Qaada Warta KM4 “SAWIRRO”

Next Post

Kulan Lagu Soo Dhaweynayay Ansaxinta Ra’iisul Wasaaraha Cusub Ee Dalka Oo Lagu Qabtay Muqdisho

Next Post

Kulan Lagu Soo Dhaweynayay Ansaxinta Ra'iisul Wasaaraha Cusub Ee Dalka Oo Lagu Qabtay Muqdisho

R/W Xamsa “Ciidanka Qalabka Sida waa inay si deg deg ah uga qeybqaataan gurmadka dadka nugul”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Wasiiro cusub

December 13, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay xubno cusub oo ka mid noqon doona...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay u-qaabilsanaha milatariga ee Safaaradda Talyaaniga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay u-qaabilsanaha milatariga ee Safaaradda Talyaaniga

December 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay u-qaabilsanaha cusub arrimaha milatariga ee Safaaradda Talyaaniga,...

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaatay Kaarka Cod-bixinta ee Guddiga Madaxa Bannaan...

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa magaalada Abu Dubai kulama...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In