Wednesday, August 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

 Soomaaliya Oo Talaabo U Qaaday Dhameystirka Dayn-cafinta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 24, 2020
in Wararka
0
 Soomaaliya Oo Talaabo U Qaaday Dhameystirka Dayn-cafinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warbixintan ay soo saartay Hey’adaha Lacagta Adduunka ayay ku sheegtay in kooxda Wadahadalka deyncafinta Soomaaliya ee Hey’adda ay heshiis looga gudbayo wajiga koowaad ee wadahadalka heerkiisu sareeyo ee dhameytirka deyn dhaafka la gaareen madaxda Soomaaliya, kaasi oo socday inta u dhexeysa  September 12—22, 2020, waxaana kooxda ka socotay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), hoggaaminaysay Allison Holland, iyadoo uu ku saabsanaa dib-u-eegistii ugu horreysay ee barnaamijka dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya oo ay taageerto (ECF).

Gabagabadii howlgalka, ayay Ms. Holland waxay soo saartay bayaankan:

Related posts

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta    

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta   

August 20, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Wakiilada Hay’addaha Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Wakiilada Hay’addaha Qaramada Midoobay

August 19, 2025

“Intii lagu gudajiray nuskii hore ee sanadka 2020, Soomaaliya waxaa soo foodsaarey dhibaatooyin badan oo ay ugu horeyso daadad, Ayax iyo cudurka safmarka ah ee adduunka saameynta ku yeeshay ee Coronavirus. Kuwani waxay sii xoojiyeen caqabadaha bani’aadamnimada, waxayna saameyn ku yeesheen dhaqaalaha dalka iyo awoodda dowladda ee ah inay isu keento dakhliga gudaha”.

Warbixinta ayaa lagu yiri “Mas’uuliyiinta Dowladda waxay qaadeen tillaabooyin dhowr ah si loo yareeyo saameynta ay ku reebtay dhibaatooyinkaas dadka Soomaaliyeed iyo dhaqaalaha. Dadaalladan waxaa horseeday taageero muhiim ah oo ka timid beesha caalamka, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen in si ku-meel-gaar ah loo dhaafay canshuuraha qaar ka mid ah badeecooyinka aas aasiga ah oo ay cuntada ugu horeyso; soo bandhigidda nidaamka xawilaadda lacagta ee loogu talagalay kuwa ugu nugul, Barnaamijka Baxnaano iyo daahfurka xarun amaah ah, Gargaara, oo loogu talagalay shirkadaha yaryar, iyo kuwa dhexdhexaadka ah, si sare loogu qaado dhakhliga gudaha”.

Howlwadeenada ka socotay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), ayaa kulamo gaar gaar la qaatay Wasiirada Maaliyadda mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Dastuurka mudane Saalax Axmed Jaamac, Cadaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji, Macdanta mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed, Boostada Mudane Cabdi Canshuur Xasan, Guddoomiyaha Bankigaga Dhexe mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo mas’uuliyiin kale kuwaasi oo ay uga mahadceliyeen kaalinta wada shaqeyn ee ay ka qaataan hannaanka dib-u-eegidda Barnaamijka ‘ECF’ oo ay Soomaaliya uga gudubtay wajigiisii 1aad.

Warbixinta ay soo saartay hay’adda lacaggta adduunka waxa ay Soomaaliya ku amaantay sida ay uga go’an tahay ka guul gaarista deyn cafinta xili lagu jiray marxalad adag oo ka dhalatay cudurka safmarka ah ee COVID-19 oo sababay hoos u dhac dhaqaale.

Dhanka kale Sii-hayaha Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa soo dhaweeyay warbixinta ka soo baxday Hey’adaha lacagta adduunka (IMF) waxaana uu sharxay sida ay u dhaceen waadahadaladii u dambeeyay.

Wasiir Beyle waxa uu tilmaamay in tani ay muujinayso dadaalka dowladda ee ka guul gaariska wadahdalka, wuxuuna ku amaanay Madaxweynaha iyo hey’adaha dowladda kaalinta ay ka qaateen arrintan..

Bishii Maarso ee sanadkan ayay Hey’adaha dhaqaalaha ee caalamka waxay qireen in Soomaaliya ay mudan tahay in deymaha laga cafiyo kaddib markii ay ka gudubtay shuruudihii ku xirnaa wadahadalka wajigiisa hore ee soo socday sanooyinkii la soo dhaafay, waxaana ay ku timid kobcinta dhaqaalaha iyo dib u habeynta maamulka maaliyadda dalka oo ay garwadeyn ka aheyd Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

 

 

Previous Post

Marwada Koowaad Ee Dalka Oo Iclaamisay Olole Nadaafadeed Oo Isxilqaan Ah “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeybgalay Meertada 75-Aad Ee Golaha Guud Ee Qaramada Midoobay+Sawirro

Next Post
Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeybgalay Meertada 75-Aad Ee Golaha Guud Ee Qaramada Midoobay+Sawirro

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeybgalay Meertada 75-Aad Ee Golaha Guud Ee Qaramada Midoobay+Sawirro

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta    

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta   

August 20, 2025
0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta. Labadan eedaysane ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Wakiilada Hay’addaha Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Wakiilada Hay’addaha Qaramada Midoobay

August 19, 2025
0

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle , ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay wakiilo ka socda Qaramada Midoobay,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

August 19, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah iyo saraakiisha Ciidamada...

Ra’iisul wasaare 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚” 𝐈𝐬𝐥𝐚-𝐱𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚𝐧𝐤𝐮 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐮𝐮 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐧 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚 𝐬𝐢𝐟𝐨 𝐬𝐚𝐥𝐝𝐡𝐢𝐠 𝐮 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐭𝐚 uu 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚”

Ra’iisul wasaare 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚” 𝐈𝐬𝐥𝐚-𝐱𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚𝐧𝐤𝐮 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐮𝐮 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐧 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚 𝐬𝐢𝐟𝐨 𝐬𝐚𝐥𝐝𝐡𝐢𝐠 𝐮 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐭𝐚 uu 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚”

August 19, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda jira barnaamijka la-xisaabtanka Xukuumaddiisa, ayaa maanta su’aallo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In